Waxaa Caawa Furmayo Tartanka Ueafa Champions League waxaana halkaan ku falanqeynaa Guruub B oo ah Guruubka Labaad ee Dhimashada waxaana ku wada Jiro Real Madrid, Galatasaray, Juventus, FC Kobenhega
Real Madrid Vs Galatasaray
Kooxda Real Madrid oo 11 sano ka hor ugu dambeysay tartankan ayaa caawa ka billabeysa kooxda Galatasaray ee Turkiga ka dhisan ololaheeda ay ku raadineyso markii 10-aad inay koobkan ku hanato.
Madrid oo sanadkan wadata macallinkeeda cusub ee Carlo Ancelotti ayaa u safreysa Turkiga oo ay guul-darro kala soo kulantay Gala lugtii labaad ee wareegga 8-da xilli-ciyaareedkii hore. Gareth Bale oo dhawaan Madrid ku iibsatay 100 milyan oo Yuuro ayaa niyad wanaagsan kulankan ku aadaya kadib markii kulankiisii u horreeyay ee Sabtidii uu gool ka dhaliyay.
C.Ronaldo oo gool-dhalinta ku guuleystay xilligii dhammaaday ayaa sidoo kale Los Blancos u ciyaaraya. Isco iyo Illara oo dhawaan kooxda kusoo biiray ayaa qeyb ka ah xiddigaha caawa Madrid u ciyaaraya. Didier Drogba oo weerarka uga ciyaara Galatasaray ayaa sheegay in Madrid mar kale gaarsiin karaan guul-darro lama filaan si la mid ah xilligii hore. Sneijder oo horey koobkan kula guuleystay Inter ayaa qeyb ka ah xiddigaha Gala.
Juventus Vs FC Kobenhega
Kooxda Juventus oo heysatya horyaalka Taliyaaniga ayaa lagdankeeda Yurub caawa ka billaabeysa safar ay ku aadeyso kooxda FC Kobenhegan ee caasimadda Denmarka. Macallin Antonio Conte ayaa doonaya in Juve dhadhansiiyo guulo dhanka Yurub ah kadib laba sano oo isku xigta oo uu u qaaday horyaalka dalka. Bianconeri oo aanan saameyn badan ku laheyn Yurub sanadihii u dambeeyay ayaa xilli-ciyaareedkii dhammaaday tagtay wareegga 8-da markaas oo tartanka ay kasoo saaray Bayern Munich oo markii dambe koobka ku guuleysatay.