Real Madrid vs Atletico Madridma ahayn sadaashii la filaayay xili cayaareedkan koobka horyaalada Yurub balse bilawgii tartankan ayaa la sheegay in Atletico ay noqon doonto naadi Yurubka yaabiso haatana waxaa dhacdan dabcan wixii la filaayay sidoo kale All Spanish Final waa markii ugu horeeyay mudo 14-sano kadib caawo kuma sii jiirto cayaartan xiisaha badan madaama labadan naadi ay hal magaalo ka wada dhisan yihiin sidaa darteed magaalada Madrid caawo labo ayay u kala qayb sami doontaa, dhanka Atletico waa markii ugu horeesay mudo 40-sano kadib oo ay Finalaha tartankan soo gaaraan halka Rea Madrid ay tahay mudo 12-sano kadib inay masraxan kusoo laabtaan balse caawo hanka Real ayaa aad u sareeyo madaama ay dooneyso inay kooxdan ku guuleesato markeedii 10-aad tartankan qiimaha badan!
Aqbaar ku saabsan xidigaha labadan naadi:
diyaar garowga kulankan waxa hareeyay dhaawacyo kala duwan waayo xidigaha labadan koox ugu muhiimsan fiyoobi meel uma taalo waxayna qabaan dhaawacyo kala duwan inkastoo la kala roon yahay, Cristiano Ronaldo waxaa la xaqiijiyay inuu caawan safan karo balse Karem Benzema shaki ayaa ku jiro laakiin xaalka Pepe waa laga deyriyay lamana filaayo in caawo lagu soo bilaabo sidoo kale Xabi Alonso isagana Madrid ganaax ayuu kaga maqnaan doonaa.
Dhanka Atletico Madrid waxay weli ka wal walsan tahay xaalada Diego Costa oo aan la hubin inuu kulankan safan karo wuxuuna macalin Simeone sheegay in markii kulankan lagu dhawaado bilaabashadiisa uu Costa go’aan ka qaadan doono balse Arda Turan ayaa kasoo kabtay jogtii uu qabay waxaana la filaa in kulankan ada uu xidiga reer Turkey safto.
Dhacdo La Xariirto Kulankan Xiisaha Badan:
Horey Labadan Naadi Tartamada Yurub Ma Isugu Arkeen:
Labadan horey ayay tartamada Yurub ugu kulmeen waxayna Semi Finalaha isla tartankan isku haleeleen xili cayaareedkii 1958/59 lugtii kowaas 2-1 waxay guusha ku raacday Real Madrid balse lugtii labaad sidoo kale Atletico iyadana 2-1 ayay ku badisay taasi ayaa ka dhigtay in 6-maalmood kadib magaalada Zaragoza labadan naadi kulan isku celis ah ku cayaaraan waxaana habeenkaas 2-1 ku badisay Real Madrid oo sidaas ugu soo baxday Finalaha kuna qaatay tartanka Yurub.
Guud Ahaan Kulamada Ay Labadan Naadi Wada cayaareen:
Labadan koox ee Madrid ka wada dhisan guud ahaan waxay La Ligaha Spainiyo Copd Del Rey isku darkiisa ku kulmneen 194-kulan, waxaana xusid mudan in Real Madrid ay guuleesatay 102-kulan halka Atletico Madrid ay guuleesatay 46-kulan sidoo kalena 46-kulan bar bar dhac ayay ku kala baxeen.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Real Madrid: Casillas, Coentrao, Varane, Ramos, Carvajal, Modric, Illarramendi, Di María, Ronaldo, Benzema, Bale
Atletic Madrid: Courtois, Miranda, Godin, Juanfran, Luis Felipe, Gabi, Tiago, Koke, Turan, Garcia, Villa
guuleed
May 24, 2014 at 7:37 PM
sanadka waa sanadkii semone iyo asxaabtiisa ee real oohin bay kaga bixi garoonka insha allah viva semone and athlitico madrid