Home » Maxaa Cusub » Fabregas Oo Qanciyay Jamaahiirta Arsenal Isagoo Sharaxay Sababtii Ku Qasabtay Inuu Ku Biiro Chelsea

Fabregas Oo Qanciyay Jamaahiirta Arsenal Isagoo Sharaxay Sababtii Ku Qasabtay Inuu Ku Biiro Chelsea


Fabregas

kabtankii hore Arsenal Cesc Fabregas ayaa ku biiray kooxda ay London Ku xifaaltamaan kooxdiisii hore isagoo aduun gaaraya 30 Malyan Oo Pound kaga soo tagay garoonka Camp Nou kuna yimid garoonka Stamford Bridge, waana arin sababtay in Jamaahiirta Arsenal ay ka caroodaan iyagoo gubay funaanada xidigaan.]

Si Kastaba Fabregas ayaa qiray sababta rasmiga ah ee ka dambeysay inuu ku biiro Chelsea isagoo cadeeyay in tababare Arsene Wenger uu u sheegay inuusan dooneyn isaga isla markaana uu heysto Mesut Ozil oo buuxiyay booskiisa.

Fabregas ayaa ku biiray Chelsea oo ay jogaan xidigo ka badan kana awood badan kuwa joogo Arsenal waana sheeko aad u cajiib badan markii Jose Mourinho oo hesyta: Ramires, Matic, Mohamed Salah, Hazard, Willian & Mikel inuu u yeero Fabregas kuna soo dhaweeyo Galbeedka London, Halka Wenger oo heysta: Ramsey, Wilshere, Arteta, Flamini iyo Ozil uu Fabregas u sheego inuusan boos u heyn.

“Laga yaabee in Mesut Ozil uu booskeyga joogo” ayuu kubad sameeyaha reer Spain hadal gaaban ku yiri.

“Mourinho wuxuu igu yiri anigaa kuu baahan ee halkaan imow, waxey u muuqataa inuu yahay Special One, wuxuuna sidoo kale ii sheegay in la iiga baahan yahay tartan”

Si Kastaba Fabregas ayaa cadeeyay sida uu u jeclaa inuu ku laabto Gunners isla markaana Emirates lagu soo dhaweeyo balse tababare Wenger ayaa iska diiday.

Sidoo kale warar hoose oo ka imaanaya England ayaa sheegaya in qiimaha ay Barcelona ka heshay Fabregas 50% ay qaadatay Arsenal madama ay gadatay koox kale, waxaana taas loo fahmay in Wenger uu fiirsaday fa’idada kasoo galeysa lacagaha Fabregas.

Si kastaba Fabregas ayaa waji cadaawad leh kaga hor imaan doona Gunners isagoo Emirates imaan doona xili uu xiran yaahay maliyada Blues.

Maxaad ka daremeysaa heshiiska Fabregas ee Chelsea hadii aad tahay taageero Arsenal?

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close