Tababaraha xulka Spain Vicente Del Bosque ayaa ku amray Cesc Fabregas inuu xerada tababarka xulka Spain isaga baxo kadib markii xidigan uusan soo bandhigin qaab cayaareed wanaagsan macalin del Bosque ayaa ka carooday qaabka uu Cesc tababarka u sameenayay sidaa darteed wuxuu ku amray inuu xarunta isaga baxo balse kubad sameeyahan ayaa diiday inuu amarka macalinkiisa qaato waxayna gabi ahaanba goobta Spain isku badashay meel foowdo iyo muran ka socdo nasiib wanaagsan xidigaha xulka Spain ayaa soo dhex galeen waxayna Fabregas ku qanciyeen inuu xarunta tababarka isaga baxo.
Xulka Spain horey ayay koobka aduunka uga hareen kadib markii labadii kulan ee ugu horeesay laga badiyay haatana kulankooda ugu dambeeyo oo ay mid sharafeed waxay la cayaari doonaan xulka Australia balse waxaa lala yaabay in xulkan diyaar garowgiisii uu isku badalay mid fowda ah madaama Fabregas uu diiday inuu macalinkiisa xurmeeyo sidoo kalena tababarka isaga baxo madaama ay ka muuqatay habac sanaan iyo inuusan diyaar u ahayn tababar adag sameeyo, 27-jirkan amar diidadii uu sameeyay gabi ahaanba gudaha dalka Spain lagama soo dhaweynin sidoo kalena waxaa macquul ah in kulanka ugu dambeeyo oo a Spain cayaari doonto inaan la safin, Cesc xaalad adag ayuu ku sugan yahay mana faraxsano niyad ahaan madaama 12-daqiiqo oo qura uu cayaaray labadii kulan ee xulka Spain koobka aduunka cayaareen sidaa darteed caradiisa wuu qarsan waayay wuxuuna kala dul dhacay macalinkiisa!!
Profile