Home » Maxaa Cusub » Fabio Cannavaro Oo Diyaar U Ah Shaqada Tababaranimo Ee Xulka Talyaaniga

Fabio Cannavaro Oo Diyaar U Ah Shaqada Tababaranimo Ee Xulka Talyaaniga


Kabtankii hore Xulka Azzurri Fabio Cannavaro

Kabtankii hore Xulka Azzurri Fabio Cannavaro


Kabtankii iyo Daaficii hore xulka Azzurri Fabi Cannavaro ayaa qiray inuu diyaar u yahay shaqada tababaranimo ee xulka talyaaniga kadib markii Prandelli uu is casilay isla markaana Italy ay foolxumo kala soo laabatay Brazil.

Fabio Cannavaro oo kabtan u ahaa xulkii Azzurri ee ku guulesytay koobkii Aduunka ee 2006 lagu qabtay Jarmalka ayaa diyaar u ah inuu badalo Prandelli balse xidgiii hore kooxda Juventus ayaa sheegay in go’aan qaadashada xilka tababaranimo ee Italy ay u baahan tahay ka fiirsasho iyo go’aan sare.

“Dabcan wax weyn ayey ii noqon laheyd hadii aan maamulo xulka Talyaaniga, balse magaranayo waxey noqon doonto” Ayuu Cannavaro u sheegay ITV.

“Waqtigaan xiriirka talyaaniga waxey doonayaan iney badalan madaxweynaha iyo tababaraha waana arin culus”

“Diyaar ayaan u ahay, balse waxa dhici doona ma ogi, waa sugi doonaa”

“Maya ma dhihi karo sababtoo ah ma ogi waxa ay doonayaan, iyo waxa ay mustaqbalka doonayaan, hada waxaan ku fakarayaa iney haatan muhiim u tahay xiriirka”

Italy ayaa ku dhameysatay kaalinta sadexaad ee Group D, kaliya guul ay ka gaartay England ayey heshay iyadoo guuldarooyin ciqaab ahaa kala kulantay Costa Rica iyo Uruguay.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close