Home » Europe » Champions League » Faalo Ku Saabsan Kulanka Marseille Vs Arsenal Iyo Saadaasha Laga Bixiyey

Faalo Ku Saabsan Kulanka Marseille Vs Arsenal Iyo Saadaasha Laga Bixiyey


e94a814fa630a74791fc13a8e747beb6

Taariikhda: September 18, 2013

Saacada: 9:45 fiidnimo

Garoonka: Stade Vélodrome — Marseille

Garsoore: Olegário Manuel Benquerenca‎

Macalin Arsene Wenger ayaa si fiican uga dharagsan inuu ku jiro qaybta dhimashada madaama kooxaha Guruubkan ku wada jiraan aysan kala liidanin sidoo kale ay ka kala socdaan horyaalada Yurub ugu caansan sidaa darteed caawo Wenger wuxuu doonayaa inuu guul muhiim ah kusoo gaaro dalka France si rajada uu ka qabo inuu wareega 16-aad u rumowdo, sidoo kale Arsenal waa koox ku caan baxday ka qayb galka tartankan waayo 16-sano ee ugu dambeesay marnaba kama maqnaanin mana ku harin qaybta hore ee tartankan.

Aqbaar ku saabsan xidigaha labadan naadi:

Naadiga Arsenal waxaa heesato dhibaato dhanka dhaawaca ah madaamo ay xidigo badan weli ka maqan yihiin waxaana kulankan caawo seegi doonaan: Alex Oxlade-Chamberlain, Santi Cazorla, Mikel Arteta, Lukas Podolski, Abou Diaby , Yaya Sanogo iyo Tomas Rosicky. Sidoo kale Olivier Giroud inuu kulankan ka qayb qaadan karo shaki weyn ayaa ku jiro madaama uu todobaadkan dhaawac soo gaaray sidoo kale Per Mertsacker oo todobaadkan xanuun kaga maqnaa ayaa caawa dib ugu soo laaban doono kulankan.

Dhanka Marseille dhamaan xidigaheed way caafimaad marka laga reebo daafaceeda dhexe Souleymane Diawara oo kulankan seegi doono sidaa darteed naadiga reer France kalsooni buuxdo ayay isku qabtaa.

Dhacdo la xariiro kulankan:

  • Arsenal xili cayaareedkii 2011/12 ayay Marseille isku guruub ahaayeen waxayna 1-0 kaga badisay kooxda reer France markii lagu cayaarayay magaalada Marseille habeenkaas Aaron Ramsey ayaa goolka dhaliyay.
  • Marseille haatan xili wanaagsan ayay ku jirtaa madaama sanadkan 2013 kaliya 2-kulan laga badiyay sidoo kalena daafac ahaan waa naadi ay adag tahay in goo laga dhaliyo.
  • Mezut Ozil ayaa lagu wadaa inuu kooxdiisa Arsenal caawo u safto kulankiis ugu horeeyo koobka horyaalada Yurub.
  • Arsenal 13-sano ee ugu dambeesay tartankan waxay kasoo gudubtay qaybta guruubka sidoo kalena 2006 Final ayay soo gaartay halka 2009 ay nus dhumaadka tartankan timid.
  • Arsenal kalsooni buuxdo ayay isku qabtaa waayo 5-kulan ee ugu dambeesay way wada guuleesatay 3-kulan Premiership-ka iyo 2-kulan isreeb reebka Champion-ka.
  • Halka Marseille 5-kulan ee ugu dambeesay 3-ka mid ah guuleesatay halka kulan laga badiyay sidoo kalena kulan bar bar dhac gashay.

Line Up-ka macquulka ah oo ay labadan naadi kusoo gali doonaan:

Marseille: (4-2-3-1): Mandanda – Fanni, N’Koulou, Mendes, Morel – Romao, Imbula – A. Ayew, Valbuena, Payet – Gignac.

Arsenal: (4-4-1-1): Fabianski – Sagna, Mertesacker, Koscielny, Gibbs – Ramsey, Wilshire, Flamini, Monreal – Ozil – Walcott.

Saadaasha Laga Bixiyey

Marseille 1-2 Arsenal


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close