Home » Falanqeynta » Faalo Ku Saabsan AC Milan Vs Napoli Kulan Aad U Xiiso Badan

Faalo Ku Saabsan AC Milan Vs Napoli Kulan Aad U Xiiso Badan


Milan-Napoli

Milan ayaa caawo gali doonto tijaabadii ugu adkeed tan iyo markii uu xili cayaareedkan bilaawday dabcan macalin Allegri kuma qanacsano in xiligan uu kusoo beegmay kulanka uu Napoli la cayaari doono waayo inta badan xidigahiisa dhaawac ayay kaga maqan yihiin balse Milan ayaa isku kalsoon madaama garoonka San Serio laga cayaari doono waxaana Milan niyad dhis ugu filan in arbacadii aan kasoo gudubnay ay ka badiyeen kooxda Celtic sidoo kale Napoli iyada awoodeeda marhore ayaa la isla arkay madaama ay Serie A-da horkaceyso sidoo kalena ay Champion-ka ka badisay naadiga B. Dortmund.

Yaa maqan yaase cayaari karo kulankan:

Milan dhibaatada heesato waa mid muuqato madaama kulankan ay seegi doonaan xidigaha kala ah Ricardo Kaka, Andrea Poli iyo Riccardo Montolivo. Dhanka Napoli iyada wax walaac ah ma qabto wuxuuna macalin Rafeal Benitez magaalada Milan usoo safray xidigahiisa kuwa ugu tayada wanaagsan.

Xidiga isha lala raaci doono:

Gonzalo Higuain: kuma qasaarin go’aankii uu ku yimd koonfurta Talyaaniga haatana wuxuu kusoo baxay hogaamiyaha Napoli sidaa darteed caawo kooxdan isaga ayay gool ka sugi doontaa madaama daafaca Milan jilicsan yahay hala yaabin hadii uu goolal sahlan dhaliyo caawo xidigan shabaqa saaxiibka la ah.

Mario Balotelli: xidigan beryahan wuu aamusay balse waxaa macquul ah inuu furka ku tuuran doono kooxda Napoli todobaadkii hore daqiiqadii ugu dambeesay naadiga Torino ayuu rigoore ka dhaliyay balse Super Mario dhaawanahan dhaawacyo ayaa ragaadiyeen madaama uu haatan bed qabo waxaa laga filan doonaa inuu kooxda Napoli nasiino u diido.

Iskoor xanuun badan oo Napoli ku raagay:

Kooxda Napoli waxaa ugu dambeesay sanadii 1986 oo ay garoonka San Serio ku badiso sidoo kalena naadiga Milan 53-kulan ayay guuleesatay 131-kulan oo horey labadan naadi u dhex maray taariikhda Serie A-da!

Line Up-ka labadan naadi kusoo gali doonaan:

Milan: Abbiati; Abate, Mexes, Zapata, Emanuelson; Poli, De Jong, Muntari; Robinho; Matri, Balotelli

Napoli: Reina; Maggio, Albiol, Britos, Zuniga; Behrami, Inler; Callejon, Hamsik, Insigne; Higuain


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close