Kadib markii kooxaha Ingriiska ee ka qayb qaadanaayo koobka horyaalada Yurub todobaadka wax guul ah gaarin waxaa boorka iska jafeen kooxaha Everton iyo Tottenham oo guulo muhiim ah ka gaareen tartanka Europa League.
Kooxda Everton ayaa haatan qarka u saaran inay wareega 32-aad ee Europa League usoo gudubto kadib markii ay 3-0 ku xaaqday naadiga Lille ee ka dhisan dalka France waxaaa Everton goolasha u dhaliyeen xidigaha kala ah Osman (27), Jagielka (42) iyo Naismith (61).
Macalin Roberto Martines ayaa ku farxay guusha weyn oo ay kooxdiisa gaartay waxayna haatan Everton leedahay 8-dhibcood 4-kulan oo ay cayaartay tartankan waxayna kaliya u baahan tahay hal dhibic kulanka xiga oo ay kooxda Wolfsburg la cayaari doonto dabyaaqada bishan.
Geeska kale kooxda Tottenham ayaa iyadana guul muhiim ah kusoo gaartay meel ka baxsan garoonkeeda madaama ay 2-1 kaga badisay naadiga Asteras Tripolis waxaana goolasha kooxdan u dhaliyeen Andros Townsend oo rigoore dhaliyay iyo Hary Kane.
Tottenham ayaa sidoo kalen qarka u saaran inay wareega 32-aad u gudubto madaama ay leedahay 8-dhibcood oo ay la wadaagto naadiga Besiktas waxayna u baahan tahay kulanka xiga hal dhibic oo qura.
Geeska kale Inter Milan ayaa ku fashilmatay inay dalka France kusoo badiso waxayna bar bar dhac 1-1 ah la dhaafi weesay naadiga Saint Ettaine ee ka dhisan dala France waxaana Inter goolka u dhaliyay daafaca reer Brazil Dodo.
Ugu dambeyntii 4-naadi ayaa ilaa haatan la xaqiijiyay inay wareega 32-aad ee tartanka Europa League u gudbeen waxayna kooxahaas kala yihiin FC Dinamo Moskva (Russia), ACF Fiorentina (Italy), FC Salzburg (Austria) iyo Legia Warszawa (Poland)