Kadib markii la cayaaray kulamadii xasaasiga ah ee isreeb reebka qaarada Afrika waxaa soo baxday natiijo lala yaabay kadib markii xulka South Africa oo ka mid ah xulalka ugu awooda badan ay gabi ahaanba isga hareen tartanka cayaaraha aduunka ee sanadka dambe lagu qaban doono dalka Brazil, xulka lagu naaneeso Bafana Bafana ayaa rajo wanaagsan ka qabeen in xulka ay isku dhagnaayeen Ethiopia sibxan doonaan madaama shalay la cayaaray kulamadii ugu dambeeyay qaybtii ay labadan xul ku jireen balse, Koonfur Ameerika sidii ay ku taameesay ma aysan dhicin inkastoo ay 4-1 kaga badiyeen xulka Botswana hadana guushooda kasoo qaad ma yeelanin madaama Ethioia ay iyagana 2-1 kaga badiyeen xulka Afrikada Dhexe.
Madaama Ethiopia ay haatan 3-dhibcood ka sareeyaan Koonfur Afrika sidoo kalena kulamadii qaybtood ay soo gaba gaboobeyn xulka Ethiopia ayaa haatan u gudbeen kulamada Play-Off-ka oo loo quri tuuri doono 10-ka xul ee kasoo baxaan qayb walbo waxaana ugu dambeyntii cayaaraha aduunka si rasmi ah qaarada Afrika ugu matali doonaan, waxaana isku aadka 10-ka xul ee kulamada Play Off-ka cayaari doonaan magaalada Qahira ee dalka Masar lagu sameyn doonaa 18-ka bishan.