Home » Maxaa Cusub » England Oo Shuruud Ku Xiray Kulan Saaxiibtinimo Oo Ay Wembley Kula Ciyaari Lahayen Germany

England Oo Shuruud Ku Xiray Kulan Saaxiibtinimo Oo Ay Wembley Kula Ciyaari Lahayen Germany

England

Xulka England Ayaa Shuruud Adag Ku Xiray Kulan Ay Wembley Ku Qaabili lahaayen Germany bisha soo aadan markaasoo ay tijaabo adag u mari lahaayeen Koobka Aduunka ee 2014 lagu qaban doono dalka Brazil.

England ayaa rumeysan iney tijaabo adag kala kulmi doonaan Poland habeenk Talaada ah markaasoo laga yaabo iney xaqiiqsato booskeeda Koobka Aduunka.

Shuruudda England:

“Hadii England ay soo tiigsan weyso Koobka Aduunka Kuna Fashilanto Iney carbuunan weyso booskeda koobka Aduun Ma dhici doono kulankaas” Sidaas ayey England u cadeysay Sportsmail.

Hadii England ay guuldaro kala kulanto Poland isla markaana Ukraine ay garaacdo San Marino, England waxaa waajib ku noqon doonta iney ciyaarto Laba Kulan oo Play-offs ah oo dhici doona Novermber 5 iyo 19, sidaas awgeed waxaa meesha ka baxaya kulanka November lagu balansanaa ee Germany.

Mesut Ozil iyo Andrea Schurrle ayaanan ku ciyaari doonin Wembley markoodii ugu horeysay ku hanweynaa iney ka qeyb galaan kulan ka dhacaya Wembley.

Sidoo Kale Kulankii Sanadguuradii 150-aad ee Xiriirka FA-ga ayaa ku aadan Bisha November walina lama shaacin waqtiga la ciyaarayo madama England ay cabsi ka qabto iney Play-offska Gasho.


Waxaa Aqrisay: (194)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>