Home » Maxaa Cusub » Hordhac: England vs Italy: Xifaaltamaayaasha Yurub Oo Brazil Ku Kulmi Doona

Hordhac: England vs Italy: Xifaaltamaayaasha Yurub Oo Brazil Ku Kulmi Doona


tb_0021_England vs Italy

Tartanka: FIFA World Cup 2014

Taariikhda/Saacada: June 15, 2014, 01:00 AM Habeenimo

Goobta: Arena Amazônia, Manaus, Amazonas

Garsooraha: B. Kuipers (Holland)

Magaalada Manaus waa goobta ugu kulul ee cayaaraha aduunka lagu martigalinaayo madaama garoonkan caawo lagu cayaari doono uu yahay midka ugu kulul sidoo kalena laga wada sheegtay waxaa ku wada hardami doonaan labada xul ee qaarada Yurub ugu tunka weyn England Vs Italy, labadan xul oo hadaf wanaagsan ka leh koobka aduunka marnaba ma aysan dooneyn inay goorhore tartankan isku arkaan balse calafka ayaa isku beegay sidaa darteed xiisaha kulankan ma ahan mid la qiyaasi karo sidoo kalena waxaa la filan karaa inay labadan xul soo bandhigaan kubad aan indhaha laga qaadi karin 90-daqiiqo, ha iloobin in cayaartan ay tahay mid koob aduun ah tani waxay ku saa’idinee xidigaha labadan xul cadaadis heer sare ah.

Waa markii ugu horeesay xulka England ay koob aduun lasoo shirtagaan dhalin aad u tayo wanaagsan sidaa darteed xulka ku magac dheer wiilal aan cabsan doonin ayay caawo lasoo shirtagi doonaan halka Italy ay wataan ruug cadaayaal aan marnaba kubada ka duqoobin horey ayaa loo yeri “waraabo duqoobey shan weer ka roon” sidaa darteed Pirlo iyo Buffon waxay kaga fiican yihiin tartamada caalamiga ah ee reer England caawo kusoo bilaaban doonaan.

Tababaraha xulka England Roy Hodgson ka hor kulankan xiisaha badan wuxuu caalamka u sheegay in xidigahiisa uusan wax cadaadis ah saarneyn sidoo kalena ay cayaari doonaan kubad kalsooni ku dheehan sidoo kalena macalinka Italy Cesar Prandelli isagana dhankiisa daganaan ayuu muujiyay wuxuuna sheegay in Italy aysan isla qob weyneyn sidoo kalena ka mid ahayn xidigaha tartankan loo sadaalinaayo hadaba dagaalka dhana maskaxda ah labadan macalin si xariiftinimo ku dheehan ayay kaga baxsadeen balse 90-daqiiqo ee caawo waxaa hubaal ah in labadan xul midkood habacsanaantiisa banaanka lasoo dhigi doono:

Aqbaar Ku Saabsan Xidigaha Labadan Xul:

Danny Welbeck juugtii uu qabay wuu kasoo kabtay sidoo kalena kabtan Gerard isagana wuxu diyaar u yahay inuu England hogaamiyo madaama uusan wax xanuun ah dhanka gumaarka ka qabin laakiin xerada England waxaa hareeyay hadal heynta ku aadan Wayne Rooney hala fariisiyo iyo halagu soo bilaabo sidoo kalena Raheem Sterling iyo Ross Barkley iyadana ka filo caawo si lama filaan ah inay Line Up-ka uga soo muuqdaan.

Dhanka xulka Italy iyagana macalinkooda weli kuma dhiiranin inuu sheego laacibiinta uu kusoo bilaaban doono balse wiilka laga daba dhacay Ciro Immobile inuu boos siiyo ayaa lagu cadaadinayaa sidoo kalena Marco Verratti isagana caawo Line Up-ka in lagu soo bilaabo ayaa rajo wanaagsan laga qabaa.

Dhacdo La Xariiro Kulankan Xiisaha Badan:

  • Xulka England kaliya 2-kulan ayay dhigooda Italy ka badiyeen 11-kulan ee ugu dambeesay tartamada caalamiga ah oo ay wada cayaareen waxaana laga badiyay 6-ka mid ah halka 3-kulana ay bar bar dhac ku kala baxeen.
  • Kaliya sanadii 1990 ay hal mar koobka aduunka ku kulmeyn waxayna markaas isku arkeen kaalinta 3-aad xulka Italy ayaa 2-1 ku badiyeen.
  • Xulka England 16-kulan ee ugu dambeeyay oo ay koobka aduunka cayaareen kaliya 2-kulan ayaa laga badiyay.
  • Xulka Italy 14-kulan ee ugu dambeeyay koobka aduunka kulan walbo ugu yaraan hal gool ayay dhalinayeen.
  • Italy waxaa ugu dambeesay kulan koob aduun oo ay gool la’aan baxaan sanadii 1998 cayaar ay France 0-0 la dhaafi waayeen wareega 8-aad.
  • Wayne Rooney 594-daqiiqo oo koob aduun ah wax gool ah ma uusan dhalinin sidaa darteed caawo maka bixi doonaa abaarta ku raagtay!
  • Frank Lampard waxaa u yaalo iskoor uusan jacleesanin koobka aduunka madaama uu yahay xidiga kaliya ee 39-jeer kubada goosha ku laaday welina wax gool ah dhalinin!
  • Xulka Italy waxay jecel yihiin kubadaha koornooyinka ah waayo 7-ka mid ah 17-gool ee ugu dambeeyay oo ay tartankan ka dhaliyeen waxay ahaayeen kubado koornooyin ah!

Guud Ahaan Kulamadii ay horey u cayaareen labadan xul:

Labadan xul waxaa isugu dambeesay oo ay kalmaan August 2012 cayaar saaxiibtinimo waxaana 2-1 ku badiyeen Italy . Guud ahaan waxay wada cayaareen labadan xul 25-kulan, Italy waxay guuleesteen 10-jeer haka England ay iyagana badiyeen 8-jeer .

Line Up-ka macquulka ah oo ay labadan xul kusoo gali doonaan caawo:

England: Hart, Cahill, Baines, Jagielka, Johnson, Henderson, Gerrard, Lallana, Rooney, Welbeck, Sturridge

Italy: Buffon, Sciglio, Chiellini, Barzagli, Abate, Rossi, Pirlo, Marchisio, Verratti, Cerci, Balotelli

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close