Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska xidigii hore kooxaha Arsenal iyo Manchester City Emmanuel Adebayor ayaa qaab amaah ah ugu biiraya kooxda Chelsea.
31-jirkaan ayaa waqti xun ku qaadanaya garoonka White Hart Lane, madama uu booskiisa ku waayay gacmaha Harry Kane oo ay u shidan tahay London, sidoo kalana waxaa fashilmay amaah uu ku aadi lahaa West Ham maalintii u dambeysay suuqa kala iibsiga bishii January.
Si Kastaba Jose Mourinho ayaa qorsheynaya inuu lasoo saxiixdo Adebayor, si uu badal fiican ugu noqdo Diego Costa oo ganaax iyo dhaawacyo ay hareeyeen.
Mourinho ayaa Adebayor ku maamulay Real Madrid waqti gaaban, isagoo xiligaas dhaliyay shan gool, dhowr jeer ayuuna safka hore noqday.
Ugu dambeyntii hadalkaan ayaa layaab ku noqday Jamaahiirta Chelsea kuwaas oo haatan la yaaban weerar xumida kooxda.