Home » Maxaa Cusub » Elman Oo Guul Ku Bilowday Horyaalka Kadib Markii Ay Si Dirqi Ah Kaga Gudbeen Horseed

Elman Oo Guul Ku Bilowday Horyaalka Kadib Markii Ay Si Dirqi Ah Kaga Gudbeen Horseed


???????????????????????????????

Kooxda Elman ayaa guul muhiim ah ku bilowday horyaalka heerka koowaad ee dalkeena Soomaaliya kadib markii ay 2-3 ku dhaafeen kooxda Horseed kulankii furitaanka horyaalka ee maanta ka dhacay garoonka Benaadir Stadium.

Wuxuu ahaa kulankii ugu horeeyay, waxaana Elman ay lasoo shirtagtay afar ajaanib ah oo u kala dhashay Uganda iyo Nigeria kuwaas oo ay dooneyso iney ku dagaalanto xili ciyaareedkaan.

Guushaan ay gaartay Elman ayaa kaga dhigan iney hogaanka horyaalka haatan heyso iyadoo leh 3-dhibcood, waxaana ciyaarta hogaankeeda qabtay Horseed inkastoo Elman ay heshay barbaro ka hor dhamaadka qeybta hore ciyaarta.

Qeybta hore ciyaarta ayaana lagu kala nastay 1-1, inkastoo markii la isku soo noqday Elman ay dhalisay 2-gool, halka Horseed ay heshay 1-gool.

Ugu dambeyntiina Waa Guushii Afaraad oo ay Elman ka gaarto Horseed 7-dii kulan ee ugu dambeysay oo ay labada kooxood is arkeen.

Sacad Saalax Xuseen oo ahaa kabtankii hogaaminayay Elman galabta ayaana dhaliyay goolkiisii 7-aad oo uu ka dhaliyo Horseed, 7-dii kulan ee ugu dambeysay.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>