Home » Maxaa Cusub » Eliaquim Mangala Oo Kala Doortay Labada Manchester

Eliaquim Mangala Oo Kala Doortay Labada Manchester


eliaquim-mangala

Sida ay warisay The Guardian daafaca kooxda Porto Eliaquim Mangala ayaa doorbidaya inuu ku biiro kooxda Manchester United halkii uu u biiri lahaa kooxda heysata horyaalnimada ingriiska ee Manchester City.

Si Kastaba macalinka cusub ee kooxda United Louis Van Gaal ayaa doonaya inuu daafaciisa ku xoojiyo daafacaan reer France kaas oo xulkiisa kala qeyb qaadanaya ka qeyb galka Koobka Aduunka.

Manchester City ayaa mudo badan ku raad joogtay daafacaan waxeyna hogaanka u heysay mudo dheer saxiixa isaga iyo saaxiibkiisa kooxda Porto Fernando kaas oo ay haatan ku dhaw yihiinba saxiixisa balse Eliaquim Mangala ayaa doortay inuu Old Trafford u dhaqaaqo halkii uu u dhaqaaqi lahaa Etihad Stadium.

Sidoo kale waxaa jira warar xidigaan la xiriirinaya kooxda Chelsea oo raadineysa buuxinta booska daafaca reer Brazil David Luiz kaas oo ku biiray kooxda Paris Saint Germain.

Ugu dambeyntii xiisaha loo qabo Eliaquim Mangala ayaan yareyn balse wuxuu sheekada kusoo koobay inuu doorbidayo ku biiritaanka kooxda Shayaadiinta Cas-cas.

 

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close