Home » Maxaa Cusub » Eliaquim Mangala Oo Isku Diyaarinaayo Inuu Ku Biiro Manchester City

Eliaquim Mangala Oo Isku Diyaarinaayo Inuu Ku Biiro Manchester City


Mangala

Daafaca awooda badan ee naadiga FC Porto Eliaquim Mangala ayaa saaxiibadiisa u sheegay in todobaadyada nagu soo fool leh uu si rasmi ah kooxda Man City ugu biiri doono inkastoo daafaca reer France ay ku raad joogaan saxiixiisa kooxaha Arsenal, Chelsea, PSG iyo Man United hadana Mangala iyo wakiilkiisa waxay aad ula dhacsan yihiin balan qaadka ay ka heleen kooxda ku cayaarto garoonka Etihad, sidoo kale macalinka Man City Manuel Pelligrini oo la hadlaayay wargeska Dail Mail ayaa sheegay in kooxdiisa ay ahmiyad gaar ah siin doonto sidii ay Eliaquim Mangala kula soo saxiixan laheed madaama uu macalinkan waaya araga ah ka walaacsan yahay daafaca gadaale ee kooxdiisa awooda ay u yeelan karaan inay xili cayaareedka dambe difaacdaan horyaalk England.

Madaama dhawaan UEFA ay ganaax lacageed dul dhigtay kooxda Man City sidoo kalena lagu eedeeyay in kooxdan ay lacago xad dhaaf ah suuqa Yurub ku faraqeyso hadana maamulka City ayaa siyaasad daganaan ku dheehan xagaagan suuqa Yurub kaga dukaameesan doonaan waxayna marka hore iibin doonaan qaar ka mid ah xidigahooda ka hor inta aysan wax talaabo ah qaadin sidaa darteed Man City ayaa qorsheneyso inay iska iibiso xidigaha kala ah Javi Garcia, Matija Nastasic iyo James Milner waxayna lacagaha ay xidigahan ka hesho iibkooda kuso gadan doontaa Mangala oo ah daafac qaali ah waxayna kooxda FC Porto xidigan horey u dul dhigtay 35-milyan oo pound.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close