Weeraryahanka xulka Uruguay oo 12-bilood oo qarow ah ku qaat caasimada dalka France ayaa sheegay inuu kooxda PSG baaqi kusii ahaan doono sido kalena uu ku faraxsan yahay ka mid ahaan shaha naadigan ku guuleesatay Ligue 1 xili cayaareedkii dhawaan dhamaaday balse Cavani ayaa xusay inuusan ku faraxsanaynka garab cayaarista madaama xidigan la hareeyay sidoo kalena uusan meesha waxba ka ahayn wuxuuna Cavani yiri “Kulamo badan ayaan Zlatan isla cayaarnay balse marwalbo xidiga liitay aniguu ahaa sidaa darteed ma jecli inaan ka garab cayaaro base PSG inaan kasii mid ahaado ayaan doonayaa waana ku faraxsanahay nolosha aan ku qaadanaayo caasimada France”
Cavani ayaa 16-gool u dhaliyay PSG asigoo u saftay 26-kulan horyaalka France sidoo kalena xidigan kooxdiisa wareega 8-aad ee Champion-ka ayuu lasoo gaaray wuxuuna si gaar ah u dhawaajiyay in goolal intaas ka badan uu kooxdiisa u dhalin lahaa hadii lambarka 9-aad isaga laga cayaarsiin lahaa wuxuuna yiri “Ibra goolasha aan dhaliya 10-gool ayuu i dheer yahay waxaana ugu wacan inuu marwalbo isaga ka cayaaro lambarka 9-aad halka aan aaniga garab ka cayaaro sidaa darteed hadii booskiisa aan aniga ka cayaari lahaa dabcan waan ka goola badnaa lahaa!” hadaba Cavani wixii qalbigiisaku jiray banaanka ayuu soo dhigay wixii la sugaabaa waa jawaabta Zlatan oo ku caan baxay inuu marwalbo si dhaqsi ah hadal kulul ugu jawaabo shaqsi si toos ah ama si dadban u weeraro!