Home » Maxaa Cusub » Edinson Cavani Oo Hami Galiyay Kooxaha Daneynaya Saxiixiisa

Edinson Cavani Oo Hami Galiyay Kooxaha Daneynaya Saxiixiisa


Cavani

Weeraryahanka Paris Saint Germain Edinson Cavani ayaa ka dhawaajiyay inaan meesha laga saari karin su’asha ka taagan mustaqbalkiisa xili ciyaareedkaan taasoo loo fahmay in ay macquul tahay in xidigii hore Napoli uu albaabka u furayo koxaha daneynaya saxiixiisa.

27-jirkaan reer Uruguay ayaa 64 Malyan Oo Euro Napoli kaga soo biiray kooxda PSG waxaana saxaafada aduunka ay hadal hayeen in Edinson uu ka tagi doono kooxda faransiiska ka dhisan madama dooqa koowaad ee Laurent Blanc uu yahay Zlatan Ibrahimovic oo laga qadariyo PSG.

Manchester United ayaa xiriir lasoo sameysay Cavani inkastoo madaxweynaha kooxda PSG Nasser Al-Kelaifi uu cadeeyay ineysan qorshaha ugu jirin inuu iibiyo xidigii hore Palermo.

Inkastoo sidoo kale Cavani uu dalab ka helay Real Madrid iyadoo lamaankiisa Uruguay Suarez iyadana dooneysa iney Bernabue kula biiriso hadana Liverpool ayaa heshiis waqti dheer ka saxiixday Suarez.

“Luis iyo aniga waxaan joognaa kooxo waaweyn” ayuu yiri Cavani mar uu u waramayay Le 10 Sport mar la weydiiyay hadii uu jecel yahay inuu koox weyn kasoo muuqdo.

“Waxaa na leh mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn aduunka, waxaan u maleynayaa inaan difaceyno midab si haybad leh”

“Balse kubada cagta, ma ogaan karti waxa dhici doona, maalin ayaad ka tageysaa kooxdaada adigoo aadaya koox kale”

Edinson Cavani ayaa haatan ku sugan Brazil isagoo xulkiisa ka caawiyay iney kulankii labaad ee koobka Aduunka ka badiyaan Ingiriska markii laba gool oo suarez ka timid ay guul u horseeday.

 

 

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close