Kubad sameeyaha Blues iyo Xulka Belgiumka ayaa yareeyay cabsidii ay jamaahiirta kooxda ka qabeen in ka tago kooxda madama ay Paris Saint Germain ay si ba’an u dooneyso.
23-jirkaan heerka caalami kaas oo ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan ooxda Blues ayaa ku dhawaaqay inuu wadahadal heshiis kordhin ah kula jiro kooxdiisa isla markaana uu sii joogi doono Galbeedka London.
Si Kastaba Hazard ayaa kusoo biiray Blues 2012 isagoo ka yimid kooxda Lille ee dalka Faransiiska wuxuuna doonayaa inuu mustaqbalkiisa sii joogo kooxda ka dhisan Stamford Bridge.
“Waxaan Joogayaa Chelsea 100%” Hazard ayaa u sheegay Le Derniere Heure “Dabcan kubada cagta waxba ma ogaan kartid, balse hada waxaan wadahadal heshiis kordhin ah kula jiraa kooxdeyda waxaana doonayaa inaan sii joogo halkaan”
“Kaliya meel bilaw ah ayuu marayaa wadahadalka, sidaas darteed waxaan heysanaa waqti, balse xaqiiqdii Chelsea waxey iga dooneysaa heshiis cusub, taasna waxey ku tusineysaa kalsoonida ay ku qabaan inaan shaqo fiican u qaban doono”
“PSG? Wali ma jirto wadahadal shaqsi ah oo ay ila sameeyeen”
Eden Hazard oo ah hogaamiyaha xulka Belgiumka ayaa isku diyaarinaya kulanka ugu horeeya group H ee koobka Aduunka oo ay la yeelan doonaan Algeria kaas oo dhici doona talaadada soo aadan.