Kubad sameeyaha da’da yar ee xulka Belgiumka iyo kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa sare u qaaday su’aalaha la iska weydiinayo mustaqbalkiisa kooxda Chelsea kadib markii uu xidigaan ka hadlay qaab ciyaaredkii kooxdisa kulankii ay guuldarada 3-1 ah kala kulmeen Atletico Madrid isla markaana lagaga soo reebay Champions League.
Kubad sameeyahaan ayaa cadeeyay in kooxdiisa aysan ciyaarin kubada kulankii xalay isagoo intaas ku daray in tababare jose uusan ugu soo talo galin iney ciyaaraan kubada cagta.
“Ma aanan sameyn inaan ciyaarno kubada cagta”
“Ma aqaano waxa aan weynay” Ayuu Hazard u sheegay BeIN Sport. “Kadib marka aan goolka dhalinay, kulanka gacanteedna ayuu ku jiray, laga yaabee iney doonayeen wax ka badan waxa aan sameynay, wuxuu ahaa kulan aad u daran”
“Waan ka xumahay balse macquul galka wey u qalmeen iney guusha gaareen, chelsea ma sameyn iney ciyaarto kubada cagta, waan ku wanaaganeen weerarada rogaal celiska ah sida Real ay sameyay in ka yar”
“Ilaa markii aan goolka laheen waan fiicneen, balse goolkii barbardhaca ee ka hor qeybta hore aya na dilay”
Ugu dambeyntii Jose Mourinho ayaan jecleen in la dhaleeceeyo taatikadiisa isla markaana waxaa macquul ah inuu jawaab siiyo Eden Hazard.