Kubad sameeyaha xulka Belgiumka iyo kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa shaaca ka qaaday in isaga iyo xidigaha ay isku xulka yihiin ay aamusin doonaan Lionel Messi marka ay labada xul isku qaabilaan wareega Quater Finalka Koobka Aduunka kulan dhici doona sabtida.
Weeraryahanka Barcelona Lionel Mesi ayaa hal garab ku wada xulka Argentina ee koobka Aduunka balse Hazard ayaan cabsi ka qabin inuu wajaho xulkaas waxeyna wareega 16-ka kasoo gudbeen USA.
“Waan garaneynaa xidiga ugu wanaagsan dunida iyo saaxiibadiis, balse kama cabsaneyno” Ayuu Hazard u sheegay Sky Sports News.
“Waan awoodnaa inaan guuleysano, Argentina shaqo fiican ayey qabatay, balse waxey leeyihiin hal xidig oo weyn kaas oo sameyn kara kala duwanaashaha kulanka, hadii aan isaga joojino waxaan heli karnaa fursad balse ma fududaan doonto midaas” Ayuu mar kale yiri Eden Hazard.
France iyo Germany ayaa isku haya sidoo kale wareega quater finalka, sidoo kale Brazil iyo Colombia ayaa iyagana ku sugan wareegaan inkastoo Holland iyo Costa Rica aysan meesha ka marneyn.
Profile