Maareeyaha Ciyaaraha ee kooxda Borrusia Dortmund Michael Zorc ayaa xaqiiiyay in koxdiisa ay rajo ka qabto saxiixa weeraryahanka Torino Ciro Immobile isla markaana aysan jirin heshiis la dhameeyay.
Weeraryahanka ugu goolasha badan horyaalka Serie A-da xagaagan kaas oo dhaliyay 22-gool, ayaa mudo badan lala xiriirinayay kooxda Borrusia Dortmund iyadoo ku raad joogta badalka saxda ah ee Robert Lewandowsi oo kooxda Bayern Munich ku biiray goor hore.
Ciro Immobile ayaa ku jira liiska hordhaca ah ee xulka Italy kaga qeyb galaya koobka Aduunka inkastoo aan liiska rasmiga ah wlai la go’aansan kuna darso xisaabta in Immobile ay isla leeyihiin kooxaha Torino iyo Juventus.
Warar soo baxay khamiistii ayaa shaaca ka qaaday in labadaba [Juve & Turino] kuwaas oo isla leh Immobile ay isku raaceen in Immobile laga iibiyo Dortmund isla markaana uu heshisi la gaaray iyado ku qaadatay 19 Malyan Oo Euro, balse arinkaas maareeyaha ciyaaraha ee Dortmund Michael Zorc ayaa beeniyay.
Michael Zorc ayaa ku waramay iney rajeynayaan saxiixa Immobile balse aysan jirin wax dhamaaday sida uu u sheegay Kicker.
Dortmund ayaa horay ula saxiixatay Adriano Ramos balse waxey dooneysaa xidig kale oo tartan culus la gala madama Lewanowski uu ka tagay Signal Iduna Park.