Home » Europe » Champions League » Diego Simeone Oo Digniin Culus Ugu Diray Real Madrid Shirkiisii Jaraa’id Ee Ka Hor Finalka

Diego Simeone Oo Digniin Culus Ugu Diray Real Madrid Shirkiisii Jaraa’id Ee Ka Hor Finalka


Diego-Simeone1

Ka Horan Kulanka Maanta ee Fiinaalka Champions League ee dhex mari doono kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa waxaa ka hadlay Macalinka Atletico Diego Simone isagoo sheegay inay Costa Iyo Arda Turan Isku diyaarinayaan Kulanka caawa haddii ay suurtagashana uu soo safi doono.

Wuxuu Yiri: “Waan Arki Doonaa Sida ay tababarka u qaataan Maanta, Laakiin Xisaabta ku darso  haddii ay fiicnaan waayaan waxaa diyaar ah labadii lagu badali lahaa”.

Wuxuu Hadalkiisa ku daray:  Waan Ogahay inay Real Heysato Cristinao (Ronaldo) iyo xidigo kale oo Portuguese ah, Laakiin waxaan ogahay Portugues badan oo taageersan Aniga iyo Atletico Madrid”.

”  Waxay Xilligaan Ii Tahay muhiim inaan Garoonkaan ku cayaaro, sifiican ayaan u aqaanaa, Waa Riyo Carruureedkeyga, waxaa farxad ii ah inaan Arko Calanka Atletico Madrid oo ka babanayo halkaas, Koobkana Gacanteena ayuu ku jiraa caawa”.

” Anaga waan Ku Kalsoonahay Kooxdeyna,  Waxaana nahay Koox Awood Leh, sanadkaan waa la arkay waxa aan nahay, Anagana oo dhanna waxaan u cayaari doonaan Caawa Qaab Waali ah”.

Simeone ayaa kooxdiisa ku hoggaamiyey inay qaado Horyaalka La Ligaha Spain horaantii Bishaan, wuxuuna amaan weyn u jeediyey xiddiga qadka dhexe ee Atletico Tiago oo uu ku amaanay inuu sabab weyn u ahaa hanashada horyaalka”

Halkaan ka daawo Shirka Jaraa’id ee Diego Simone

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close