Diego Maradana oo ah shaqsi hadal badan sidoo kalena xiiseeyo inuu marwalbo araahdiisa ka dhiibto dhacdooyinka Sports ee markaas taagan ayaa si kaftan ku dheehan uga hadlay jabkii reer Spain ku dhacay gaar ahaan Maradona wuxuu eeda dusha kaga tuuray goolhayae Iker Casillas oo qaladaad badan galay cayaartii Holland 5-1 cagta ku marisay Spain wuxuuna Maradona yiri
“saaxiibkey Mourinho markii uu Casilaas kursiga keydka galiyay waagii uu Real Madrid joogay waan la yaabay balse hada ayaan ogaaday in Mourinho uu sax sanaa halka Casillas waxba galin Holland ayaa i tuseen sidaa darteed Mourinho waa nin aragti badan oo kala fahmi karo cayaaryahankii dadaalayo iyo midka kibir isbaday oo aan waxba galin!”
Diego Maradona oo sanadii 1986 xulka Argentina u qaaday koobka aduunka ayaa kula taliyay macalinka Spain cayaaraha u harsan inuusan Casillas kusoo bilaabin wuxuuna yiri
“Del Bosque waa macalin qabiir ah waxaan ka filaa inuusan markale Casillas kusoo bilaabi doonin balse waa hadii uu guul doonayo hadii uu rabo inay si dhaqsi ah dalkooda ugu laabtaan kulanka Chile haku soo bilaabo Casillas”
Diego Maradona oo ah shaqsi jecel rabshada sidoo kalena saxafaada hub ahaan u adeegsado ayaa weerar muuqdo ku qaaday goolhaye Iker Casilllas sidaa darteed kabtanka xulka Spain waxaa looga fadhiyaa jawaabta uu ka bixin doono hadalka Maradona kasoo yeeray.