Home » Maxaa Cusub » Diego Maradona Oo Diyaar Ah Inuu Shacabka Reer Venezuela U Abaal Gudo!

Diego Maradona Oo Diyaar Ah Inuu Shacabka Reer Venezuela U Abaal Gudo!


335888-diego-maradona

Diego Maradona ayaa shaaca ka qaaday inuu hogaanka tababarenimo ee xulka Venezuela la wareegi doono hadii ay xiriirka kubada cagta dalkan ku yaalo qaarada Koonfur Ameerika ay usoo bandhigaan jagada ka banaan xulkan, Venezuela waxay ku guul dareesteen xagaagan inay koobka aduunka usoo baxaan sidoo kalena waa xuka kaliya ee qaarada Koonfur Ameerika ka dhisan kaasi oon aan weli koobka aduunka kasoo muuqanin sidaa darteed Diego Maradona ayaa doonayo xulkan hodanka ku ah saliida inuu dib u dhis dhanka kubada cagta ah ku sameeyo, Maradona ayaa sheegay in shacabk reer Venezuela uusan abaalkooda gudi karin madaama xiligii uu xanuunka cansarka la ildarnaa ay soo dhaweeyeen sidoo kalena daaween waxaa intaas sii dheer in Maradona dhiigiisa laga badalay xiligaas madaama uu si joogto ah daraagiska u isticmaai jiray.

Maradona oo doonayo inuu shacabka Venezuela caawiyo wuxuu yiri “marka uu koobka aduunka soo idlaado waxaan la kulmi doonaa madaxweyne Nicolas Maduro si aan kala hadlo jagada ka banaan xulka Venezuela” Maradona oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “waxaan diyaar u ahay inaan ku dhiirado shaqo walbo oo halis ah madaama Venezuela aysan waligoos koobka aduunka kasoo muuqanin waxay midaas i siin doontaa dhiiri galin dheeri ah waayo shacabka Venezuela inaan ka farxiyo ayaan doonayaa sidoo kalena anigana shaaf weyn ayay ii noqon doontaa hadii aan xulkan ka dhigo mid awood badan oo iska dhicin karo xulalka Koonfur Ameerika sida Argentina, Brazil, Uruguay iyo Colombia”


Close