Home » Horyaalada » La liga » Diego Forlan: Luis Suarez Wuu U Ciyaari Karaa Real Madrid

Diego Forlan: Luis Suarez Wuu U Ciyaari Karaa Real Madrid


ForlanWeeraryahanka Xulka Uruguay Diego Forlan ayaa aaminsan in saaxiibkiisa xulka qranka uu leeyahay tayo uu ugu biiri karo kooxda Real Madrid isla markaana uu yahay mid ka mid ah xidigaha ugu fiican dunida waqtigaan.

Xidiga Liverpool ayaa qaliin dhanka jilibka ah lagu sameeyay ka hor koobka Aduunka isagoo seegay kulankii ay Uruguay guuldarada kala kulantay Costa Rica, balse soo noqoshadiisa kulankii England laba jeer ayuu shabaqa soo taabtay isagoo Uruguay u hogaamiyay guul 2-1 ah.

Luis Suarez ayaa dhaliyay 41-gool, 77-kulan oo uu xulka Uruguay u saftay, Forlan ayaana aaminsan in Suarez uu la heer yahay xidigaha Lionel Messi, Cristiano Ronaldo & Zlatan Ibrahimovic.

“Waa mid ka mid ah xidigaha ugu fiican dunida” ayuu 35-jirka reer Uruguay u sheegay AS.

“Waa xidig aad u fiican, marka aad magacaabeysid weeraryahanada ugu fiican aduunka waa inaad magaciisa ku dartaa, wuxuu ku dhinac yahay Messi, Ronaldo & Ibrahimovic”

Forlan ayaa la weydiiyay hadii uu kooxda Los Blancos ku biiri karo madama ay dalabaad fara badna soo gaarsiisay xidigaan.

“Waan u sheegay isaga, waana xidig ka mid ah xirfadlayaasha ugu fiican dunida”

“Waa xidig muuqaal ahaan iyo kubad ahaan  aad ugu wanaagsan inuu u ciyaaro Real Madrid”

Xulka Uruguay ayaa talaadada wajaheysa Italy iyagoo wada ciyaari doona kulan Final ah, waxaana la ogaan doonaa xulka Costa Rica kula biiri doona usoo bixitaanka 16-ka groupka D.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close