Tababare Vincent Del Bosque ayaa shaki galiyay mustaqbalka Diego Costa ee koobka Aduunka kadib markii macalinkaan uu shaaca ka qaaday inuusan hubin xiliga uu bogsoon doono weeraryahanka Atletico Madrid.
Mudooyinkii ugu dambeeyay Diego Costa ayaa la daalaa dhacayay dhibaatooyin dhanka muruqa ah oo soo wajahay inkastoo Diego Simeone uusan ka maarmin hadana badalo badan ayaa lagu saaray markii uu dareemay xanuuno badan midii ugu dmabeysayna waxey ku dhacday Finalkii Champions League.
Xiliga ugu dambeeya ee la doonayo in Del Bosque uu soo gudbiyo liiska 23-kisa xidig ee koobka Aduunka waxaa ka dhiman 4-maalmood madama 2-da June laga doonayo.
“Ma hubo caafimaad qabka Diego Costa” Ayuu Del Bosque u sheegay warfidiyeenada.
“Wali waqti ayaan heysanaa waxaana rajeyneynaa inuu noo soo kabsado, isaga qudhiisa wuxuxu doonayaa inuu bogsoodo balse go’aanka ugu dambeeya aniga ayuu ii yaalaa”
Costa ayaa filanaya inuu ka qeyb galo koobkiisii ugu horeeyay heer caalami.
Fernando Torres, David Villa, Fernando Llorente & Alvaro Negredo ayaana fursad midkood u heli doonaa inuu galo booskiisa hadii uu bogsoon waayo.