Weeraryahanka laga daba dhacay Diego Costa ayaa qaaday tilaabo uu kaga mid noqon doono xagaaga nagu soo fool leh kooxda Chelsea kadib markii Costa uu heshiis dhanka xayeysiinta ah la gaaray shirkada Adidas tani waxay sababi doontaa in waayihii Costa ee uu ku lahaa kooxda Atletico Madrid in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjaro waayo heshiiska uu Costa la gaaray shirkada Adidas waxaa siweyn ugu carootay shirkada Nike oo xayeysiin u sameyso Atletico sidoo kalena la xifaaltanto Adidas, sheekadan cusub waxay ka dhigan tahay in kooxda Chelsea ay ku qal qaalisay inuu Diego Costa heshiis la gaaro shirkada Adidas waayo Blues shirkada reer Jarmal ayay xiriir adag la leedahay sidoo kale wararka ayaa intaas ku daraayo in weeraryahankan tayada wanaagsan Chelsea u balan qaaday inay siin doonto sedex labaad mushaarka uu haatan Atletico ka qaato kaasi oo ah 61,0000 oo euro ah todobaad walbo.
Kooxda Atletico Madrid horey ayay u sheegtay inaysan weeraryahankeeda riyadiisa ka hor istaagi doonin sidaa darteed Chelsea ayaa ku qaadan doonto xidigan tayada wanaagsan 42.5-milyan oo euro ah inkastoo Atletico ay maal mihii ugu dambeesay dalbaneesay in Romelu Lukaku qayb laga dhigo heshiiskan balse Chelsea midaas diyaar uma ahan, wargeska Marca ayaa sadaaliyay in Diego Costa uu caawo ka hortagi doono kooxdiisa mustaqbalka dhow uu ka mid noqon doono sidaa darteed dhamaan saxaafada dalka Spain waxay isku raacsan tahay in Costa uu u dooran yahay naadiga Chelsea sidoo kale xidigan heshiiska uu shirkada Adidas la gaaray wuxuu fududeen doonaa inuu caasimada Spain isaga hayaamo.