Go’aankii Diego Costa uu qaatay inuu uga tago kooxda Heysata Horyaalka Spain ee Atletico Madrid Midkii ugu qaalisanaa ee Ebed uu qaato, isagoo midaas ku micneeyey inuu ku biiri rabo koox weyn oo sumcad ku leh qaarada yurub.
Jose Mourinho ayaa heshiis Shakhsiyadeed la gaaray Diego Costa iyadoo lagu wado in lagula wareego heshiis lacageed oo gaaraya ilaa £ 35 Milyan si uu uga mid noqdo wiilasha uu maamulo macalinka Kaligii Taliska ah ee Chelsea.
” Ma Idiin Sheegaa Sababta aan Chelsea Ugu Biiray, waxaan filayaa in jawaabtiinu tahay Haa, Sidaas darteed waxaan Chelsea u Doortay inaan ku biiro wax kale maahane waa koox Weyn oo sumcad ku leh Qaarada Yurub” Ayuu Costa u Sheegay Goal.com
” Wax Kasta Way Saxan yihiin, Waxaa kusii socdaa wadadii aan Chelsea Ugu biiri lahaa, Waxaana idiin xaqiijinayaa inaan Xilli Cayaareedka soo socda ee bilaaban rabo aan xiran doono maaliyada Buluuga ah ee Chelsea”
” Horaa U Xiiseenaayey inaan ka cayaaro Premier League, sidaas darteed Chelsea Waa mid kamid ah Kooxaha ugu awoodda Badan Wadanka Ingiriiska waana arrinta igu kaliftay inaan go’aankaan qaato”.