Xiisaha kubada cagta aan u qabno ma ahan mid dhamanaayo waayo xili cayaareedkan xidigo tayo wanaagsan ayaa caalamka kusoo kordhan dabcan xili cayaareedkan 2013/14 waxay dunida ka marag kacday waxqabadka heerka wanaagsan oo uu soo bandhigay Diego Costa oo weerarka kaga cayaaro naadiga Atletico Madrid iyo xulka Spain, hadaba waxaan si gaar ah uga hadli doonaa noloshiisa gaarka ah 25-jirkan haatan heerkiisii ugu sareeyay kubada cagta ka taagan, fadlan hoos kaga macluumaadka aad Costa uga baahan tahay:
Labo sano ka hor Costa waxaa noloshiisa kusoo biirtay gabadha lagu magacaabo Michele Zuanne waa 24-jir u dhalatay dalka Brazil sidoo kalena shaqadeedana tahay inay dharka suuq geynta loo sameeyo ayay xayeysiiso, gabadhan waxay ku dhalatay Salvador de Bahia ee dalka Brazil waxayna Costa markii ugu horeesay aragtay sanadii 2010 balse sanadii 2012 ayay si rasmi ah xiriirkooda shaaca uga qaadeen.
Inkastoo labadan lamaane uu mudo gaaban xiriir adag ka dhaxeeyay hadana si lama filaan ayuu jaceelkooda bur bur ugu yimid kadib markii Michele Zuanne ay ogaatay xumaanta u qarsoon Diego Costa oo lagu eedeeyay inuu uur ku inkiray gabar ay horey saaxiib u ahaayeen sidaa darteed Michele Zuanne oo aan rabin sumcadeeda iyo hormarka nolol ahaan ay sameyneso inuu dhaawac u geesto Diego Costa ayay go’aansatay inay xiriirkooda soo afjarto sidaa darteed dabyaaqadii sanadkii aan kasoo gudubnay ayay labadan lamaane si rasmi ah u kala hareen!