Weeraryahanka xulka Ivory Coast Didier Drogba ayaa siweyn uga danqaday mashaqadii ku habsatay qaar ka mid ah shacabka reer Turkey madaama dhawaan musiibo dhinaca macdanta ah ka dhacday dalka Turkiga, Didier ayaa ugu deeqayo gaarayo €1 million qoysaskii ay dhibaatadii adkeed soo gaartay, Drogba iyo dhamaan xidigaha kooxdiisa Galatsaray waxay soo xirteen dharka macdanta lagu qodo ka hor kulankii ay la cayaareen naadiga Kayseri Erciyesspor cayaar ka tirsaneed horyaalka Turkiga waxayan muujiyeen sida ay uga xun yihiin musabadii ka dhacday Turkiga.
Madaama Drogba oo u yahay safiir dhinac samafalka iyo gar gaarka u qaabilsan qaramada midoobay wuxuu isku xil qaamay inuu dadka reer Turkey dhibaatada la qeebsado wuxuuna yiri “waxaan ahay safiir UN-ka ka tirsan una taagan samafalka iyo u kaalmeynta dadka sidaa darteed waxaan go’aansaday inaan reer Soma caawiyo” Drogba oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “ma doonayo qof inuu magaceyga adeegsado mana ihi qof ihi shaqsi jecel inuu is buun buuniyo mana doonayo inaan amaan gaar ah helo kaliya dadka dhibaateesan ayaan ka dan qaday!”
13-kii bishan May ayay ahayd maalintii qaraxii weynaa ee macdanta ahaa ka dhacay Soma ee dalka Turkiga dabcan dadbadan ayaa dhulka hoostiisa ku jireen waxaana ilaa haatana 301-ruux ayaa ku geeriyootay waxaana lagu tilmaamay muusabadii ugu xumeed ee ebid dalka Turkiga ka dhacdo!