Home » Horyaalada » La liga » Di Maria Oo Seegi Doono Inta Ka Dhiman Koobka Adduunka Kadib Dhaawac Soo Gaaray

Di Maria Oo Seegi Doono Inta Ka Dhiman Koobka Adduunka Kadib Dhaawac Soo Gaaray


432353_heroa

Qareenka Xidigga Xulka Argentina Angel Di Maria ayaa xaqiijiyey inuu seegi doono inta ka dhiman koobka adduunka kadib markii uu dhaawac kasoo gaaray dhanka Boodada ah Kulankii ay 1-0 Uga adkaadeen Belgium.

Laacibka Kooxda Real Madrid  ayaa cayaarta laga saaray daqiiqadii 33 markaas oo uu dhaawac halis ah soo gaaray.

Eugenio Lopez oo ah qareenka Xidigaan ayaa u sheegay website-ka goal.com qeybtiisa Argetina in 26 Jirkaan uu dhaawac halis ah ka qabo xagga boodada isla markaasna uusan safan karin inta ka harsan koobka adduunka.

Argentina ayaa wejihi doonto Netherlands Arbacada  Sao Paulo, waxaana laga sugi doonaa labadooda midkii iska soo xaadiriyo fiinaalka koobka adduunka.

Waxaa maanta laga warsugayaa dhakhtarka kooxda Real Madrid ee Xidigaan khaaska u ah, iyadoo uu maanta sameyn  doono baaritaan dheeri ah.

Di Maria ayaa muhiim u ah Xulka Argentina waana xiddig kasoo qeyb qaatay inay heerkaan kasoo gaarto koobka adduunka ee hadda dhamaadka ku dhaw, sidoo kalana waa xidigii Real Madrid u suurta geliyey inay gacanta ku dhigto koobkeedii tobonaad ee Eufa Champions League.


Close