Home » Africa » Dhimasho ka Dhacday Isku Dhacyo Dhexmaray Booliska Masar & Taageerayaasha Zamalek

Dhimasho ka Dhacday Isku Dhacyo Dhexmaray Booliska Masar & Taageerayaasha Zamalek


Masar

Inta la ogyahay ilaa iyo haatan 12-qofood ayaa ku dhimatay isku dhacyo dhexmaray taageerayaal ka tirsan kooxda Zamalek ee dalka Masar iyo booliska dalkaas.

Sida ay xaqiijisay wasaarada Arimaha gudaha dalkaasi tiro badan oo taageerayaal ah kuwaas oo aan heysan wax tikidh ah ayaa isku dayay iney gudaha u galaan garoonka inkastoo ay diidmo qayaxan kala kulmeen Booliska ilaalada ka hayay garoonka.

Zamalek ayaa marti u aheyd kooxda ENPPI wuxuuna kulanku ahaa kulan ka tirsan horyaalka heerka koowaad ee dalka Masar.

“Taageerayaasha Zamalek ayaa isku dayay iney xoog adeegsadaan, waxaana sameynay ka hor tag” Ayaa lagu sheegay warbixin kasoo baxday dowladda.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay shaqaaqo nuucaan ah ka dhacdo Masar inkastoo markii ugu dambeysay ay aheyd February 2012 xiligaasna waxaa naf waayay 70 ka mid ah taageerayaasha kooxda Al Ahly kadib isku dhacyo dhexmaray iyaga iyo kuwa kooxda Al Masry kulan ka dhacayay garoonka Porto Said.

Ugu dambeyntii xiriirka dalkaas ayaa go’aano kasoo saari doona arintaan dhacday inkastoo Zamalek kaliya la siiyay 10,000 tikidh.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>