Ma sahlano mudo 4-todobaad gudaheeda inuu cayaaryahan kaga soo kabto qaliinka dhanka jilibka looga sameeyay sidoo kalena soo labaashadiisa uu wacdaro muujiyo balse Luis Suarez inuu xulka England kala diro sidoo kalena qaab cayaareed wanaagsan soo bandhigo kulankii uu Uruguay u saftay waxaa sabab u ahaa Dr. Walter Ferreira oo ku dadaalay caafimaadka Suarez sidoo kalena u suura galiyay inuu koobka aduunka kasoo muuqdo inastoo shaqsigaan uu si gaar ah Suarez ugu dadaalay hadana waxaa la sheegay inuu caafimaadkiisa ka hormariyay midka Suarez madaama uu xanuunka Kansarka qabo wuxuu u baahnaa daaweyn iyo inuu Isbitaal galo balse Ferrreira ayaa dib u dhigtay daaweyntiisa wuxuuna ahmiyad gaar ah siiyay sidii uu xulkiisa Uruguay koobka aduunka uga caawin lahaa inay meel wanaagsan gaaraan.
Xaaska Walter Ferreira ayaa sheegtay in 22-kii May markii Suarez qaliinka lagu sameeyay isagana uu xanuunka Kansar-ka la ildarnaa sidoo kalena loo sheegay in unugyada dhiigiisa cas cas ay sii yaranayaan sidoo kalena lagula taliyay inuu Isbitaal galo blse Walter Ferreira oo ku taqasusay jirdhiska cayaartooyda iyo ka warqabida dhaawacyadooda aya iska diiday taladii la siiyay wuxuuna go’aansaday inuu Suarez ka caawiyo siduu uu xulka Uruguay koobka aduunka ugu safan lahaa, Suarez iyo Walter Ferreira ayaa si adag u wada shaqeeyeen waxaana labadan shaqsi u suura gashay inay xulka England ka badiyaan sidoo kalena Luis uu labo gool dhaliyo, Carmen oo ah xaaska Walter Ferreira ayaa sheegtay in haatan ninkeeda uu wanaagsan yahay sidoo kalena uu iska iloobay xanuunka haayo kaliya wuxuu ku mashquulsan yahay sidii Uruguay ay koobka aduunka meel wanaagsan uga gaari laheed.