Home » Horyaalada » La liga » Dhaawaca Victor Valdes Kama Hor Istaagi Doono Inuu Ku Biiro Kooxda AS Monaco !

Dhaawaca Victor Valdes Kama Hor Istaagi Doono Inuu Ku Biiro Kooxda AS Monaco !


Valdes

Inkastoo Victor Valdes uu mudo dheer garoomada ka maqnaan doono sidoo kalena goolhayehan waaya araga ah la cabsi qabo in mustaqbalkiisa cayaareed uu mugdi galay madaama qaliin culus looga sameeyay dhanka jilibka hadana maamulka naadiga AS Monaca ayaa shaaca ka qaadeen inay goolhayahan heshiis la gaari doonaan maal maha nagu soo fool leh waxayna Monaco ku qaadan doontaa goolhayahan tayo wanaagsna si xor ah madaama qandaraaskiisa dhamaaday, kooxda Barcelona ayaa horey u sheegtay inaysan Valdes marnaba ku qasbi doonin inuu garoonka Camp Nou isaga tago madaama uu  dhaawac halis ah qabo balse goolhayahan ayaan go’aankiisa badalin wuxuuna diyaar u yahay inuu isaga hayaamo kooxdii uu kusoo bar baaray sidoo kalena uu shabaqa ku hayay 10-sano ee aan kasoo gudubnay.

Sidoo kale wargeska  L’Equipe oo ah midka ugu afka dheer dalka France ayaa arink xaqiijiyay waxayna Monaco ka saxiixi doontaa Valdes heshiis 3-sano ah sidoo kalena sanad walbo waxay siin doontaa 10-milyan oo euro ah wuxuuna Valdes dib ula midoobi doonaa saaxiibkiisii Eric Abidal oo haatan kabtan u ah kooxda Monaco sidoo kale kooxdan koobka horyaalada Yurub ayay ka qayb qaadan doontaa xili cayaareedka dambe madaama ay kaalinta 2-aad ku dhameesan rabto horyaalka France balse Monaco way ka warqabtaa in Valdes uu mudo dheer garoomada ka maqnaan doono waxaana la rajeynaa in 31-jirkan uu garoomada dib ugu soo laabto horaanta bisha October ee isla sanadkan, waxaa na xasuusin ah in Valdes uu dhaawacan halista ah soo gaaray bishii Maarso sidoo kalena koobka aduunka ee lagu qaban doono dalka Brazil bisha June xulkiisa Spain makala qayb qaadan doono.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close