Qalad uu galay Steven Gerrard ayuu ka faa’ideystay Demba Ba qeybta hore sidoo kalana Willian iyo Torres ayaa isku hibeeyay gool ay kali ugu yimaadeen Mignolet dhamaadkii ciyaarta xidigaha Liverpool oo dhamaantood raadiyay goolka barbardhaca waxeyna taasi ka saaciday in Jose Mourinho wiilashiisa ay 2-0 ku garaacaan Liverpool isla markaana ay hoos u dhigaan haigii Liverpool ee horyaalka markii ugu horeysay tan iyo 1990-kii
Chelsea ayaa ku bilowday si habacsanaan ah shantii daqiiqo ee ugu horeysay iyadoo sidoo kale Liverpool aysan qaadin weerar micno leh marka laga reebo bilawgii ciyaarta Sterling oo orod ku tagay goolka Chelsea balse aan waxba sameynin qalad laga dhigay mooyee.
Ashley Cole ayaa sameeyay isku daygii ugu horeeyay ee Chelsea ay ku beegsaneyso goolka Liverpool inkastoo darbadii uu riday uu ka diiday goolhaye Mignolet oo iska saaray kubada.
Luis Suarez ayaa u dhawaaday inuu daah furo goolasha Liverpool markii uu darbad xoog leh goolka ag mariyay isagoo caawinaad ka helay Philippe Coutinho daqiiqadii 11-aad ee ciyaarta.
Liverpool ayaa labad jeer halis galisay goolka Chelsea, Mohamadou Sakho ayaana iska qasaariyay fursad ugu qalisaneed ee soo marta Liverpool 15-ka daqiiqo ee ugu horeeyay ciyaarta, markii uu helay kubad goolka u furneed inkastoo uu kor iska mariyay daqiiqadii 13-aad ee ciyaarta. [Ka hor Sakho waxaa ka horeeyay in xidig ka tirsan Chelsea uu u dhawaaday inuu gool iska dhaliyo inkasto Ashley Cole uu soo difaacay.
Liverpool ayaa ciriiri galineysa goolka Chelsea iyadoo Gerrard uu kaashaday awoodiisa isagoo goolka Chelea ku riday kubad xoog leh ka hor goolka ayeyna ku dhacday daqiiqadii 15-aad ee ciyaarta.
Ciyaarta qeybteeda hore ayaa u muuqatay mid ay labada kooxood sameynin weeraradii laga filyay mana jirin wax halis ah oo ay labada koox galiyeen goolka kooxda kale ilaa laga gaaro daqiiqadii 35-aad ee ciyaarta markaas oo Luis Suarez uu birta kore mariyay kubad darbad xoogan aheyd oo weerar gaadmo ah ay ku heleen.
Demba Ba ayaa dhaliyay goolka furitaanka ee Chelsea daqiiqadihii dhimashada ee qeybta hore ciyaarta, balse xidigaan reer Senegal ayaa ka faa’ideystay qalad ay galeen daafaca dambe ee Liverpool kadib markii Steven Gerrard uu dhulka ku dhacay isagoo ah qofka ugu dambeeya balse Demba Ba ayaa si tartiib ah u qaatay isagoo si wanaagsan shabaqa ugu hubsaday.
Ciyaarta qeybteeda hore ayaa kusoo dhamaatay 1-0 oo ay hogaanka ku heyso kooxda Chelsea, waxaana qeybtii dambe e ciyaarta Liverpool ay lasoo baxday ciyaar heer sareyso inkastoo aysan u dhawaan iney goolka Chelsea halis galiyo tan iyo daqiiqadii 58-aad ee ciyaarta markaas oo Joe Allen uu halis galiyay goolka Chelsea.
Andrea Schurrle ayaa ku dhawaaday inuu hogaanka u dheereey Chelsea markii uu darbad xoogan goolka la beegsaday kubad u furneed balse goolhayaha reer Belgium Mignolet ayaa kasoo badbaadiyay daqiiqadii 61-aad ee ciyaarta.
Kabtan Steven Gerrard ayaa sameynaya dadaal dheeraad ah isagoo doonaya inuu iska saxo qaladkii goolka noqday ee kooxdiisa, balse xidiga xulka England ayaa isku day wanaagsan sameeyay balse goolhayaha Schwarzer ayaa si tartiib ah u qabtay.
Gerrard ayaa isku dayay mar kale daqiiqadii 73-aad uu kubad xoog leh ku riday goolka Chelsea, balse goolhayaha reer Australia Schwarzer ayaa a diiday mar oo gacanta ku dhigay kubada.
Kabtan Gerrard ayaa sameynaya dadaal walba oo uu gool ku dhalin karo markii uu kubad madax ah ku tijaabiyay goolka Chelsea isagoo caawinaad ka helay Luis Suarez daqiiqadii 78-aad ee ciyaarta.
Raheem Sterling ayaa kasoo galay garabka midig balse daafaca Chelsea ayaa isku qarxiyay oo kubadaas ka bixiyay, mar kale Coutinho ayaa isku dayay koorno lasoo qaaday balse daafaca Chelsea ayaa iska bixiyay daqiiqadii 82-aad ee ciyaarta.
Liverpool ayaa isku dayeysa iney raadiso gool barbardhac ah madama ay hamuun u qabto iney hesho markii ugu horeeyay horyaalka tan iyo 1990-kii.
Luis Suarez ayaa rumeyn rabay rajadii Jamaahiirta Liverpool markii uu sameeyay kubad halis galisay Chelsea balse goolhaye Schwarzer ayaa ka diiday oo ka inkiray.
Willian ayaa soo afjaray rajadii Liverpool ay ka laheed iney hesho gool barbardhac ah markii kubad weerar celis ah ay ku qaadeen kooxda Liverpool Fernando Torrres iyo Willian ayaana ula tagay goolhaye Mignolet kubad balse Torres ayaa kubada ku abaalmariyay Willian oo shabaqa la galay kubada.
Natiijada Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-0, Demba Ba iyo Willian ayaana rajo wanaagsan galiyay kooxda Manchester City oo la ciyaareysa goor dhaw kooxda Crystal Palace.
Liverpool ayaa laba dhibcood ku hogaamineysa horyaalka Premier League iyadoo ka horeysa Chelsea, halka Manchester City oo kulan baaqi uu u yahay kulana hada ciyaareysa ay 6-dhibcood ka hooseyso Liverpool.
sadaam hazard boy
April 28, 2014 at 6:14 AM
Ba and willian thnxz guyz loveble guyz chelsea
4eva am blurs