Demba Ba ayaa dalab ka helay dalka turkiga waxaana dalab rasmi ah usoo bandhigay kooxda Besiktas madama ay kooxda dooneyso iney u tartanto horyaalka turkiga xili ciyaareedka soo aadan.
Mirror Football oo xiganeysa Daily Mail ayaana warkaan maanta qoray inkastoo aysan Besiktas shaacin lacagaha ay xidigaan heerka caalami ku dooneyso.
Demba Ba oo 29-jir ah ayaa xili ciyaareedkii hore kaga soo biiray Newcastle, wuxuuna xili ciyaareed aan fiicneen ku qaatay Galbeedka Magaalada London mana ku jiro qorshaha cusub ee Jose Mourinho xili ciyaareedka dambe.
Demba Ba qudhiisa wuxuu diyaar u yahay inuu isaga hayaamo Blues marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciiyaartoyda