Home » Maxaa Cusub » Xabi Alonso Oo Ka Fariistay Ciyaaraha Caalamiga Ah

Xabi Alonso Oo Ka Fariistay Ciyaaraha Caalamiga Ah


Alonso twitter

Xabi Alonso ayaa ku dhawaaqay inuu isaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah, iyadoo xulkiisa Spain uu waji gabax baahsan kala soo noqday koobkii Aduunka ee lagu soo afjaray Brazil bishii July ee tagtay.

Kubad burburiyaha khadka dhexe ayaa kasoo mid ahaa xulka La Roja 11-sano, wuxuuna xulkiisa kula guuleystay koob Aduun iyo laba koob oo European Championship ah.

“Tan iyo markii aayn saftay kulankeygii ugu horeeyay anigoo 21-jir ah, 30-kii April, 2003 waxaan ku jiray waqti wanaagsan, waxaana u mahad celinayaa dhamaan intii aan isku taariikh aheyn mudadaas”.

“Waxaan doonayaa inaan sidoo kale u mahad celiyo tababarayaashii, xidigahii, shaqaalihii iyo malaayiinka taageere ee xulka La roja kuwaas oo aan u jeclahay isla markaan xushmeeyo”

Sidoo kale Alonso ayaan hilmaami doonin waqtigii Inaki Saez, Luis Aragones iyo Vincent Del Bosque kuwaas oo xidigaan ku caawiyay inuu muuqaal ku yeesho La Roja.

Sidoo kale Xabi Alonso ayaa u mahad celiyay kooxaha Real Sociedad, Liverpool iyo Real Madrid kuwaas oo uu kusoo bandhigay waxqabadkiisa uu ugu qalmo inuu matalo xulka Spain.

Ugu dambeyntii Xabi Alonso ayaa soo afjaray xiradiisa ciyaaraha qaran, isagoon gashan doonin maaliyada xulka La Roja, inkastoo ay macquul tahay inuu ka fursan waayo.

Alonso record

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close