Real Madrid ayaa dhameystirtay saxiixa kubad sameeyaha Jarmalka Toni Kroos kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Bayern Munich kana saxiixday heshiis waqti dheer oo noloshiisa ku idleyn karta garoonka Bernabue.
’24-jirkaan reer Jarmal ayaa si aad ah loola xiriirinayay kooxda Real Madrid mudooyinkii lasoo dhaafay balse haatan ayaa la ansixiyay inuu kooxda Madrid kusii sugnaan doono ilaa 2020.
Sidoo kale gudoomiyaha naadiga Karl-Heinzn Rummennige ayaa u sheegay website-ka gaarka ah ee Bayern Munich iney aad ugu mahad celinayaan Toni Kroos.
“Waxaan jecelnahay inaan kaga mahad celino Toni Kroos waqtigiisii Bayern, waxaan ku raaxeysaneynaa qaar ka mid ah guulahii uu nala gaaray, waxaan u rajeyneynaa isaga iyo qosykiisa iney ku wanaagsanaadaan garoonka Bernabue”
Toni Kroos ayaa maanta lasoo bandhigi doonaa xiliga dambe, waxaana xidigaan uu kusoo biiray Bayern Munich isagoo 16-jir ah, wuxuuna u saftay 170-kulan dhamaan tartamada oo dhan.
Profile