Xiriirka Kubada Cagta dalka Nigeria ayaa ku dhawaaqay iney shaqada tababaranimo ee xulka Nigeria ka ceyriyeen Stephen Keshi, warbixin ay soo saareen goor dhaw.
Amodu Shaibu ayaana badali doona kaas oo la doonayo inuu badbaadiyo nolosha Nigeria ee ka qeyb galka koobka African Cup of Nation ee 2015 lagu qaban doono dalka Marocco.
Stephen Keshi ayaa lagu eedeeyay guuldaradii Nigeria ay ka heshay xulka Sudan, balse fursad ayey heystaan Nigeria oo ay ku badbaadiyaan noloshooda.
Stephen Keshi ayaa halis ay mar gashay shaqadiisa kadib koobkii Aduunka markaas oo Nigeria ay kusoo hartay wareega Groupka balse ma dhicin.