Home » Maxaa Cusub » DEG-DEG: Rafael Van der Vaart Oo Laga Saaray Xulka Holland Ee Koobka Aduunka

DEG-DEG: Rafael Van der Vaart Oo Laga Saaray Xulka Holland Ee Koobka Aduunka


Vaart

Kubad sameeyaha kooxda Hamburg & Xulka Holland Rafael van der Vaart ayaa seegi doona koobka Aduunka kadib markii uu dhaawac culus kasoo gaaray Kubka xili uu ku guda jiray tababarka xulka Holland ee ka hor koobka Aduunka.

Van der Vaart ayaa laga saaray xerada tababarka ee xulka Holland ay tababarka ku sameynayaan oo Portugal ku taala shalayto balse xidigaan ayaa maanta la xaqiijiyay inuusan aadi doonin Brazil.

30-jirkaan heerka caalami ayaa rajeynayay inuu ka mid noqdo 23-ka xidig ee macalin Louis Van Gaal uu u xulan doono Brazil, balse dhibaatadaan ayaa ka hordhacday, sidoo kale Vaart ayaa rajo ka qabay inuu ciyaaro koobkiisii sadexaad ee aduun isagoo horay uga soo muuqday 2006 & 2010.

Van der Vaart ayaa ka mid ahaa xidigaha ugu qibrada badan koobkaa ee ku jira xulka madama uu 109-kulan u saftay xulkiisa wuxuuna kulankiisii ugu horeeyay kasoo muuqday 2001, Van Gaal ayaana tababare u ahaa xulka.

Kevin Strootman aya wali rajo ka qaba inuu aado Brazil kaas oo dhaawac dhanka jilibka ah qaba, sidoo kalana Van der Weil ayaa isna dhaawac balse wali rajo ayey qabaan.

wiilasha da’yarta ah ee Georginio Wijnaldum oo ka tirsan PSV &  Tonny Vilhena oo ka tirsan Feynoord midkood ayaa gali doona booska Van der Vaart

Netherland ayaa ku jirta group B: Spain, Chile & Australia ayeyne ku meel tahay.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close