Walalaha reer Ivory Coast ee Kolon iyo Yaya ayey tacsi gashay xili ay ka qeyb galayaan Koobka Aduunka ee ka dhacaya Brazil markii walaalkood Ibrahim Toure uu ku geeriyooday magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska.
“Kolo iyo Yaya waxey maqleen dhimashada walaalkooda ka yar, markaas oo ay xaqiijiyeen xiriirka kubada cagta dalka Ivory Coast”
“Wafdiga Ivory Coast ee wakiilka ka ah xiriirka kubada cagta ayaa taageeri doona labada xidig kulanka ugu soo horeeya ee ay la ciyaari doonaan koobka Aduunka xulka Greece kulankooda ugu dambeeya wareega groupyada ee Group C”.
Dhibaatada xidigaha reer Ivory ka hor kulankoda dhimashada ee Greece ayaa sii badaneysa iyadoo kulankii xalay uu ooyay kubad ameeyahooda Diery kaas oo loo soo sheegay dhimashada aabihiis hal saac ka hor waqtigii ay la ciyaarayeen Colombia.
Moraalka xidigaha Ivory Coast ayaa hoos u dhici doona kuwaas o murugo muujin doona balse wafdiga matalaya xiriirka Ivory Coast ayaa isku dayaya iney taageeraan xidigaha murugeysan.