Luke Shaw ayaa si rasmi ah ugu biiray Kooxda Manchester United waxeyna ku qaadatay aduun lacageed dhan 31.5 Malyan Oo Pound isagoo saxiixay heshiis Afar sano ah.
Daafacaan reer England ayaa dhameystiray ku biiritaankiisa Manchester United kadib markii uu tijaabo caafimaad ku maray xerada tababarka ee kooxda United Carrighton training Complex, waana saxiixii labaad ee Louis Van Gaal iyo Saxiixii daafac ee ugu horeeyay Manchester United iyo Van Gaal.
Sida ay fahantay Sportsmail, Luke Shaw ayaa helay balan qaad ah inuu booska koowaad kala bixi doono 33-jirka reer France Patrice Evra kaas oo kali ku ah daafaca bidix ee Manchester United.
Sidoo kale Luke Shaw ayaa bogiisa twitter-ka ku shaaciyay inuu yahay xidig ka tirsan Manchester United, Luke Shaw ayaa hal habeen ku sugnaa Hotel ku yaala Manchester ka hor inta uusan goor dhaw caafimaadka u marin kooxda United.
Manchester United ayaa si xowli ah u sameyneysa saxiixyo waxaana Van Gaal uu heystaa
Sideed u aragtaa Saxiixa Luke Shaw iyo Waxa uu kusoo kordhin karo United?
Profile