Tababaraha Xulka Holland Louis Van Gaal ayaan loo magacaabi doonin isbuucaan dhamaadkiisa tababaraha cusub ee Manchester United waxaana sii jiitami doona dhowritaanka ay Taageeryaasha Red Devils dhowrayaan macalinkaan reer Holland kaas oo haatan ku mashquulsan inuu diyaariyo xulkiisa Holland ee koobka Aduunka.
Macalinkaan reer Dutch ayaa ugu cad-cad inuu badal u noqdo David Moyes, waxaana warkaan uu soo baxay kadib markii ay shalay kulan wada yeesheen Gudoomiyaha naadiga Ed Woodward, Tababaraha kumeel gaarka ah ee kooxda Ryan Giggs & Macalin Louis Van Gaal kulankaas oo ahaa mid qarsoodi ah oo ka dhacay Amsterdam.
Sida la filayay Manchester United ayaa shalay shaacisay iney Khamiista [Maanta] ama beri [Jimcada] ay magacaabi doonto tababare Van Gaal balse arintaas ayaa hakad la galiyay.
Tababarahii badali lahaa Moyes wali lama hayo, sidoo kalana gudoomiyaha Manchester United Ed Woodward ayaa meesha ka saaray in Phill Neville uu lasii shaqeeyo kooxda.
Tababarihii hore Bayern Munich, Barcelona & Ajex ayaa haatan wiilashiisa tababar kula qaadanaya xarun tababar oo ku taala dalka Holland isagoo u diyaarinaya iney wax uun kasoo taraan koobka Aduunka ee lagu qaban doono Brazil bisha soo aadan.
Sida la fahmay arintaan ayaa noqoneysa mid usii dhawaaneysa in laga warsugo koobka Aduunka, waxaana la filayaa in koobka Aduunka kadib la magacaabo.
Van Gaal ayaana doonaya inuu Giggs u noqdo caawiyihiisa marka loo dhiibo xilka United.
XIGASHO: