Weeraryanka Kooxda Lazio Miroslav Klose ayaa qalinka ku duugay Heshiis Kordhin ka dhigan inuu kooxdiisa Lazio lasii joogi doono ilaa June 2015.
35- Jirkaan u dhashay Dalka Germany ayaa ku sugnaa garoonka Olimpico laga soo bilaabo sanadkii 2011 markaas oo uu kasoo tagay Kooxda Bayern Munich, iyadoo maalmahaan la isla dhex marayey inuu isag tagi doono kooxda Lazio.
Si kastaba, Klose ayaa saxiixay Heshiis Kordin maanta oo Jimco ah, isagoo weliba xor u ah inuu 12 Bil kusii darsado marka uu dhamaado Xilli Cayaareedkaan.
” Aad iyo Aad ayaan ugu Faraxsanahay inaan halkaan sii joogo” Klose ayaa sidaas ku yiri Webka ay leedahay kooxda isagoo Xaqiijiyey Heshiis Kordintaan.
” Door Weyn ayaan ku leeyahay qaab cayaareedka kooxdaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Weeraryahankaan ayaa seddex jeer kaliya u saftay Biancocelesti Bishii March sababo dhaawac xagga Muruqa ah, isagoo guud ahaan xilli cayaareedkaan kooxdiisa u saftay 26 Kulan.
Klose oo Filayo inuu xulkiisa u safto koobka Adduunka ayaa xaalad fiican ku jira Xilli Cayaareedkaan 2013-2014 , isagoo shabaqa taabsiiyey ilaa 7 Gool, Shan kalan caawiyey 22 Kulan oo Horyaalka Serie A-da Talyaaniga ah.