Home » Horyaalada » La liga » DEG-DEG: Kabtan Gabi Fernandez Oo Heshiiska U Kordhiyay Atletico Madrid

DEG-DEG: Kabtan Gabi Fernandez Oo Heshiiska U Kordhiyay Atletico Madrid


Gabi

Atletico Madrid ayaa ilaashaneysa xidigaheeda muhiimka ah kadib markii ay heshiis cusub ka saxiixixeen kabtankooda Gabi Fernandez kaas oo kooxda kusii sugnaan doona ilaa July 2017.

Gabi ayaa qeyb weyn ka qaatay kacdoonkii Diego Simeone ee xili ciyaareedkii lasoo dhaafay markaas oo kooxda ka dhisan Vincent Calderon ay ku guuleystay Horyaalka La Liga sidoo kalana 1-daqiiqo u jirsatay iney hanato Champions League markii ugu horeysay taariikhda inkastoo gool ka yimid Ramos iyo goolal daad ah oo ka dambeeyay ay u diideen.

Atletico Madrid ayaa bogga ay ku leedahay aalada isku xirka bulshada ee Twitter-ka ku shaacisay iney heshiis waqti dheer ah ka saxiixeen kabtankoda Gabi Fernandez.

Atleico Twitter

Sidoo kale Kabtan Gabi ayaa ka hadlay heshiiska cusub isagoo riyo ku tilmaamay inuu sanado kale sii joogo garoonka Vincent Calderon.

Ugu dambeyntii Gabi ayaa sii joogi doona Atletico Madrid xili goor sii horeysay ay heshiisyo cusub ka saxiixeen xidigaha Juanfran iyo Koke oo ka mid ah wiilasha ugu muhimsan kooxda.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close