Kingsley Coman oo ah xidig ka tirsan Naadig PSG oo ay maalmihii ugu dambeeyey isku heysteen kooxaha ugu awooda badan qaaaradda Yurub ayaa wuxuu saacado ka hor heshiis shakhsiyadeed la gaaray kooxda Reer Talyaani Ee Juventus isagoo qalinka ugu duugay heshiis gaaraya ilaa Afar Sano.
Xidigaan ayaa waxaa dagaal culus ugu jiray kooxaha Arsenal, Bayern Munich, Manchester United iyo Roma laakiin ugu dambeyntii waxaa ka afduubatay Kooxda Juventus.
Su’aal kama taago In Coman Kingsley uu yahay Xidig dhalinyaro ah oo awood badan kana cayaaro qadka Dhexe wuxuuna soo bandhigay qaab cayaareed ay u riyaaqeen kooxaha waaweyn ee Yurub Ka dhisan.
Kooxaha Premier League England Arsenal, United ayaa rajeenayayey inay xidigaan ka faa’ideystaan kuna qaataan heshiis xor ah, laakiin Tuttasports ayaa qoray in kooxda Juventus ay xidigaan la gaartay heshiis shakhsiyadeed isla markaasna ay dhamaatay arrintiisa.