Macalinkii hore ee kooxda Juventus Antonio Conte ayaa si rasmi ah loogu magacaabay tababaraha cusub ee xulka Italy wuxuuna badalay Cesar Prandelli oo jagada Italy iska dhiibay kadib markii uu koobka aduunka ku fashilmay.
Xiriirka kubada cagta dalka Talyaaniga ayaa si rasmi ah shaaca uga qaadeen inuu Conte hogaanka xulka Italy la wareegay wuxuuna macalinkan dhalinta yar aqbalay inuu qabto shaqada dhibka badan ee hogaanka minta Italy waana markii ugu horeesay ee uu Conte ka hawl galo dhanka qaramada waayo waayihiisa macalinimo inta badan heer naadi ayuu kusoo qaatay.
Conte dhawaan ayuu jagada kooxd Juventus iska dhiibay wuxuuna haatan u jeestay sidii uu dhib ugu soo dhisi lahaa xulka Italy oo bur bur ku yimid awood ahaan, hadaba Conte shaqada ugu horeeso ee uu qaban doono ayaa ah inuu xulka Italy kasoo saaro isreeb reebka tartanka Qaramada Yurub ee 2016 lagu balansan yahay wuxuuna Isreeb reebkan bilaaban doonaa horaanta bisha September ee nagu soo fool leh.
Profile