Home » Maxaa Cusub » DEG-DEG: Chelsea OO Ugu Dambeyntii Heshiis La Gaartay Weeraryahanka Atetico Madrid

DEG-DEG: Chelsea OO Ugu Dambeyntii Heshiis La Gaartay Weeraryahanka Atetico Madrid


Costa

Bilooyin badan oo ay Chelsea ku raad joogtay Diego Costa ayaa lasoo afjaray maanta kadib markii kooxda galbeedka London ka dhisan ay heshiis rasmi ah la gaartay weeraryahanka Asal Brazilka ah balse qaatay dhalashada dalka Spain.

Diego Costa ayaa dhaliyay gool rigoore ah kulankii kooxdiisa Atletico Madrid ay finalka ugu gudubtay tartanka Champions League kulan ay Stamford Bridge kula ciyaareen kooxda Chelsea.

Sida ay shaaciyeen warbixno ka imaanaya gudaha dalka Spain kooxda Chelsea ayaa xidigaan reer Spain ku qaadatay £32million oo ah qiimaha lagu kansali karo heshiiska uu kula jiro kooxdiisa.

Diego Costa ayaa sidoo kale aqbalay heshiis shaqsi ah oo uu la gaaro Chelsea isagoo la saxiixday Shan Sano oo heshiis ah (5-sano ah) wuxuuna kooxda Blues imaan doonaa marka uu suuqa furmo xagaaga soo aadan.

Jose Mourinho has had his sights set on Costa (Picture: Getty)

25-jirkaan heerka caalami ayaa kadib kulankii Chelsea shaaca ka qaaday in uusan dooneyn inuu meel uga dhaqaaqo kooxdiisa balse ay doonayaan kooxo badan oo yurub ah.

Diego Costa ayaa mushaar ahaan u qaadan doona £200,000 isbuucii waxaana Jose Mourinho oo tababare u ah Blues uu shaaciyay in Torres iyo Eto’o oo lacago badan qaata daaqada laga tuuri doono.

XIGASHO: 

Warkaan Waxaan kasoo xiganay Website-ka Ingiriiska laga leeyahay ee Metro.

Metro

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close