Home » Maxaa Cusub » DEG-DEG: Alexis Sanchez Oo U Duulay London Si Uu U Dhameystiro Heshiiska Arsenal

DEG-DEG: Alexis Sanchez Oo U Duulay London Si Uu U Dhameystiro Heshiiska Arsenal


Weeraryahanka Barcelona Alexis Sanchez ayaa u duulay London si uu u dhameystiro heshiiska uu ugu biiri lahaa koxda Arsenal isagoo sida lagu cadeeyay warbixinta iska diiday inuu ku biiro kooxaha Juventus iyo Ac Milan.

Kooxda Gunners ayaa ku warnatay iney kula saxiixatay Alexis Sanchez 32 Malyan Oo Pound maalmihi lasoo dhaafay waxaana haatan ay u dhawdahay iney dhameystirto saxiixisa.

Sida ay sheegayaan warbaahinta talyaaniga, xidigaan reer Chile ayaa dalabyo waaweyn ka helay kooxaha Juventus iyo Milan balse wuu ku gacanseyray maalintii shalay aheyd waxaana labada kooxba ay soo bandhigeen mushaar xidigaan qanciya.

Si Kastaba diidmada la siiyay labadaan kooxood ee ka dhisan talyaaniga ayaa arinta kasii dhigeysa in Sanchez uu ku raad joogo wadadii uu Emirates ku tagi lahaa.

Alexis London

Arsenal aya ku faraxsan iney Alexis Sanchez kusoo dhaweyso Emirates kaas oo ay siineyso mushaar ka badan kii uu ka qaadanayay Barcelona oo ahaa 75,000 Pound Isbuucii waxaana heshiiskaas la qaabeyn doonaa kadib tagitaankiisa London.

Barcelona ayaa horay kaga sii tashatay Alexis Sanchez kadib markii dukaamada lagu iibiyo dharka Sports-ka kooxda lagu arkay Funaanada Luis Suarez ee Numberka 9-aad oo uu xirnaa Alexis Sanchez taasoo ka dhigan in Alexis uusan boos uga baananeyn garoonka Camp Nou.

Chile's Alexis Sanchez, left, controls the ball as Brazil's Fernandinho looks on before scoring during the World Cup round of 16 soccer match between Brazil and Chile at the Mineirao Stadium in Belo Horizonte, Brazil, Saturday, June 28, 2014. (AP Photo/Frank Augstein) AP Photo/Frank Augstein

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close