Macalin Del Bosque ayaa magacaabay liiska koobka Aduunka ee ugu dambeeya madama uu go’aansaday 23-ka xidig ee kaga qeyb galaya koobka Aduunka.
Fernando Llorente, Jesus Navas & Negredo ayaa dhamaan laga tagay kuwaas oo xili ciyaareedkaan shaqo fiican qabtay, halka Koke, Juanfran & Diego Costa oo Atletico ka tirsan ay ku jiraan liiska.
Weerryahanka Atletico Madrid Costa oo aan wali caafimaadkiisa la hubin ayaa lagu daray liiska waxaana sidoo kale xulka lagu daray Santi Cazorla, Juan Mata & Pedro oo dhamaantodo aadi doona Brazil.
Liiska Xulka spain oo Dhameystiran:
Goolhayeyaasha: Iker Casillas (Real Madrid), Pepe Reina (Napoli), David De Gea (Manchester United)
Daafacyada: Sergio Ramos (Real Madrid), Gerard Pique (Barcelona), Raul Albiol (Napoli), Cesar Azpilicueta (Chelsea), Juanfran (Atletico Madrid), Jordi Alba (Barcelona)
Khadka Dhexe: Xavi (Barcelona), Xabi Alonso (Real Madrid), Sergio Busquets (Barcelona), Andres Iniesta (Barcelona), Cesc Fabregas (Barcelona), Santi Cazorla (Arsenal), Koke (Atletico Madrid), Javi Martinez (Bayern Munich)
Weeraryahanada: David Silva (Manchester City), Diego Costa (Atletico Madrid), Fernando Torres (Chelsea), Pedro (Barcelona), Juan Mata (Manchester United), David Villa (Atletico Madrid)